12.9 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Uganda oo ka warbixisay lacagta ay Ciidamadeeda ku helayaan howlgalka ay Soomaaliya ka sameynayaan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, February 03, 2007(HOL): Dowladda Uganda oo horay u sheegtay in ay Soomaaliya u direyso ciidamo gaaraya 1,500 oo askari ayaa ka warbixisay xuquuqda ay heli doonaan Ciidamadeeda marka ay Soomaaliya tagaan oo ay bilaabaan howlgalka nabad ilaalinta ah.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Maj. Felix Kulayigye ayaa u sheegay wargeyska The Vision ee magaalada Kampala ka soo baxa in Askari kasta oo ka tirsan Ciidamada Uganda uu mushaar ahaan u qaadan doono inta uu ka howlgelayo Soomaaliya ilaa 500$ oo 100$ oo ka mid ah ay Dowladda Uganda qaadan doonto, halka Askarigii dhaawac soo gaaro uu qaadan doono 150,000$ ilaa 100,000$, iyadoo ay ku xiran tahay hadba sida uu dhaawacaas yahay, Sidoo kalena Askarigii dhinto ayaa reerkiisa waxay magdhow ahaan u heli doonaan 100,000$.

Afhayeenka u hadlay Dowladda Uganda waxaa uu intaas ku daray in Ciidamada Uganda oo ka howlgeli doona dalka Soomaaliya ay shaqadoodu noqon doonto hub ka dhigista iyo ilaalinta hubka soo gelaya Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in Ciidamadooda oo tababar wanaagsan qaba ay heystaan Jaakado iyo Koofiyado Xabadda aaney ka gudbi karin, isagoo caddeeyay in ay ciidamadooda u tababaran yihiin ka hor-tagga weerarada is-miidaaminta ah.

Ciiidamada ay Uganda u soo direyso Soomaaliya ayaa waxay kaliya sugayaan ogolaasho ay ka helaan baarlamaankooda, kaasi oo ka doodi doona mooshin ay Xukuumadda Uganda horgeysay oo ku saabsan in ciidamo 1,500 oo Askari ah ay Uganda u dirto Soomaaliya.

Dalalka Midowga Afrika oo laga doonayo in ay Soomaaliya u diraan ciidamo gaaraya 8,000 oo Askari ayaa ilaa iyo haatan waxaa laga hayaa 4,000 oo askari, iyadoo dalalka qaarkoodna ay caddeeyeen in aysan Soomaaliya ciidamo u direynin.

Dalalka Ciidamada laga doonayo ayaa waxay kala yihiin Uganda: oo la diyaar ah 1,500 oo Askari, Nigeria Ghana iyo Burundi oo ballanqaaday in ay ciidamo dirayaan iyo dalalka Malawi, Benin, Tanzania iyo Rwanda oo sheegay in ay ka fiirsanayaan Ciidamo dirista, halka Koofur Afrikana ay caddeysay in aysan ciidamo u direynin Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).