11.8 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Shiikh Aadan Madoobe oo loo dhaariyay Xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka Sooomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, February 03, 2007(HOL): Xaflad ka dhacday magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa maanta xilka guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya loogu dhaariyay Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) kadib markii ay Xildhibaanada Baarlamaanka xilkaas u doorteen dabayaaqadii todobaadkii hore.

Markii ay dhacday dhaarinta Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa munaasabaddii lagu dhaariyay ka hadlay madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo iyagu xafladda ka qeybgalay, waxayna labada mas’uulba sheegeen in uu Shiikh Aadan Madoobe yahay nin ku banaan hoggaaminta Baarlamaanka.

Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa sheegay in uu Baarlamaanka Soomaaliya haatan leeyahay hoggaan dhab ah, wuxuuse sheegay in uusan waxba qaban karin Shiikh Aadan Madoobe oo uu ku tilmaamay geesi daacad ah haddii aaney Xildhibaanada Baarlamaanka la shaqeynin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa isna sheegay in uu aaminsanaa in uu Shiikh Aadan Madoobe ku soo bixi doono doorashadii Guddoomiyenimada Baarlamaanka, wuxuuna taasi ku sababeeyay in uu Shiikh Aadan Madoobe xilkaas u soo halgamay oo uu xitaa horay ula tartamay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, wuxuuna ka rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka in uu xilkiisa gudan doono.

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo isna xafladdii lagu dhaariyay ka hadlay ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii Baarlamaanka Soomaaliyeed u noqon lahaa baarlamaan ka baxa kala qo-qobnaanta oo howshiisa guta, wuxuuna Xildhibaanada Baarlamaanka u sheegay in ay la xisaabtamaan, haddii uu qalad galana ay ka qabtaan qaladka.

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu intaas ku daray in Baarlamaanka Soomaaliya ay hor yaaliin howl badan oo ay ku jirto sidii uu u hagaajin lahaa guud ahaan dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo aan la mid ahayn ee caasimadaha kale ee dunida.

Shiikh Aadan Madoobe ayaa todobaadkii hore loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay Axdiga u degsan Dowladda Federaalka, walow uu Shariif Xasan sheegay in aysan waxba ka jirin in uu Axdiga u degsan Dowladda Federaalka uu ku xadgudbay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).