11.8 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, February 3, 2007(HOL): Col. Maxamed Cali Qalaf oo ka mid ahaa Ciidamada Boolis ka Soomaaliyeed ayaa saakay lagu dilay agagaarka Isgoyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho, iyadoo dilkiisana ay ka dambeeyeen kooxo aan la aqoonsan oo hubeysnaa.

 

Korneelka oo ay dableyda dishay isagoo saaran gaari Rakaab ah ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina oo dhaawac ahaan loogu qaaday, waxaana la filayaa in galabta meydkiisa lagu aaso gudaha Isbitaalka, bacdamaa uu Isbitaalka Madiino yahay mid ay leeyihiin Ciidamada Soomaaliyeed.

 

Maxamed Cabdi Taako oo ka mid ah ehelada Korneelka ayaa si kooban uga hadlay taariikh nololeedkiisa, wuxuuna sheegay in marxuumka uu tababar dhinaca Ciidamada ah uu ku soo qaatay dalka Suudaan, isagoo kadibna macallin ka noqday Kuliyaddii Ciidamada ee Kismaayo, kadibna waxaa  uu sheegay in uu ka soo qeyb-qaatay dagaalkii 77 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo sanadkii 1988-kiina lagu soo wareejiyay Booliska Soomaaliyeed oo uu ilaa xiligii la dilayay ka tirsanaa.

 

Lama yaqaano sababta ka dambeysa dilka loo geystay sarkaalkaas, hayeeshee wuxuu dilkiisa ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd Isgoyska Maana-boolyo ee Magaalada Muqdisho lagu dilay Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kaasi oo markii la dilayay ku guda jiray howlgal nabad-sugid ah.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho oo beryahan uusan xaalkeeda ammaan hagaagsaneyn ayaa haatan waxaa muuqaneysa in mar kale ugaarsi lagu bilaabay Saraakiisha Ciidamada Soomaaliyeed, iyadoo ay xusid mudan tahay in sanadkii 2005 saraakiil badan lagu dilay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo aan la ogeyn sababtii loo dilay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).