12.3 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay wax ka qabaneyso amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, February 28, 2007(HOL): Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay wax ka qabaneyso amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay Dowladda taqaano kooxaha ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah.

Wasiirka oo ay dhinacyadiisa fadhiyeen Duqa Magaalada Muqdisho iyo Af-hayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ninka lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub Sireed) waxa uu intaas ku daray in ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku dhaqaaqayaan howlgallo ammaanka lagu sugayo , wuxuuna caddeeyay in ay dowladda ku jirto diyaargarowgii ugu dambeeyay ee ay uga hortegeyso amni darrada beryahan ka jirta Gobolka Banaadir.

Wasiirka Arrimaha Gudaha waxaa uu dhaliil u soo jeediyay saxaafadda, wuxuuna sheegay in ay buun buuniyaan warar ku saabsan dad ka qaxaya Magaalada Muqdisho iyo warar kale oo sida uu yiri aan wax dhiseynin kuwaasi oo ay sii daayaan dad aan xil-kas ahayn oo Idaacadaha Muqdisho qaarkood ka hadla.

Wasiirka waxaa uu wax laga xumaado ku tilmaamay dilalkii saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dilalkii dhacay loo geystay dad hormuud u ahaa nabadda, “Tacsi ayaan u direynaa Eheladii iyo Qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkaas, waxaana caddeyneynaa in aysan Dowladda Federaalka iloobi doonin oo ay la xiriiri doonto Qoysaskii iyo Caruurtii ay dadkaas ka geeriyoodeen.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Shirka jaraa’id ee uu maanta qabtay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ay ka sii dareyso, isla markaana ay ka dhacayaan dilal loo geysanayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxyo iyo weerarro lala beegsanayo fariisimada ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta iyo Ciidamada Dowladda Federaalka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).