12.3 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Madaxweyne Yoweri Museveni oo sheegay in ay la hadleen maleeshiyooyin Islaamiyiin ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, February 28, 2007(HOL): Madaxweynaha Uganda Mr. Yoweri Mosaveni ayaa shaaca ka qaaday in ay la hadleen Maleeshiyooyin Islaamiyiin ah oo ku sugan gudaha Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ka wada hadleen doorka Ciidamada Uganda ka socda ee tegaya Soomaaliya.

 

Warkan oo lagu baahiyay qeybta Online-ka ee Jariidada New Vision ee Kampala ka soo baxda ayaa wuxuu intaas ku darayaa in uu Madaxweyne Mosaveni uu u sheegay Maleeshiyooyinka Islaamiyiinta ah ee ay la hadleen in aysan Ciidamada Uganda u soconin in ay hub ka dhigis sameeyaan, balse uu doorkoodu yahay in ay caawiyaan Dowladda Federaalka, isla markaana ay Ciidamo u tababaraan.

 

Madaxweyne Yoweri Mosaveni waxaa uu sheegay in ay diyaar yihiin Ciidamada Uganda, waxa kaliya oo u harsanna ay yihiin in ay dhaqaaqaan, wuxuuse ka gaabsaday in uu sheego taariikhda ay u dhaqaaqayaan dhinaca Soomaaliya.

 

Wuxuu sheegay in ay Ciidamada Uganda is-difaacayaan haddii la soo weeraro, wuxuuna caddeeyay in aysan arrintaas wax baqdin ah ka qabin. Mar wax laga weydiiyay cidda dhaqaalaha ku bixineysa howlgallada Ciidamada Uganda ee dalka Soomaaliya ka howlgelaya wuxuu sheegay in ay arrintaas ka kaalmeyneyso Dowladda Mareykanka, wuxuuna beeniyay warar horay u soo baxay oo sheegayay in ay Dowladda Mareykanka dooneyso in ay Uganda ka dhigato Boolis  uga adeega Gobolka.

 

Madaxweynaha Uganda ayaa hadalkan jeediyay kadib kulan uu kula qaatay Magaalada Kampala sarkaal ka socday Ciidamada Mareykanka oo lagu magacaabo General William E. ‘Kip’ Ward, kaasi oo ay ka wada hadleen arrimaha howlgallada Ciidamada Uganda ee dalka Soomaaliya.

 

General William E. ‘Kip’ Ward oo isna hadlay ayaa ku amaanay Dowladda Uganda dadaalkeeda ku aadan nabadeynta Qaaradda Afrika, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in uu guul ku soo dhamaan doono howlgalka ay Ciidamada Uganda ka fulinayaan Soomaaliya.

 

Ugu dambeyntiina Inkastoo uu ka gaabsaday Madaxweyne Yoweri Mosaveni in uu sheego goorta ay Ciidamada dalkiisa tegayaan Soomaaliya hadana waxaa uu sheegay in uu Baarlamaanka dalkiisa ogolaaday, waxa kaliya ee u harsanna ay yihiin in ay dhaqaaqaan. Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inay magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya ay gaaraan cutubyada ugu horeeyay ee Ciidamada Uganda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).