Arbaco, February 28, 2007(HOL): Dhamaan Injineerrada Soomaaliyeed ee aan weli qaadanin Foomka Xog-uruurinta Injineerrada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, lehna mihnad iyo xirfado kala duwan ayay Kuliyadda Injineeriyadda Jaamacadda Banaadir iyo Hay’adda Shaqaalaha Adduunka (ILO) ku wargelinayaan in ay la soo xiriiraan Xafiiska KMG ah ee ku yaalla Kuliyadda Injineeriyadda Jaamacadda Banaadir, si ay u helaan faah-faahin dheeraad ah, una soo buuxiyaan Foomamka loogu talagalay.
Ogeysiiska ay wada jirka u soo saareen Jaamacadda Banaadir iyo Hay’adda ILO waxaa lagu sheegay in Injineerro horay u qaatay Foomamka ay soo buuxiyeen, soona gudbiyeen, halka kuwo qaatay oo aan weli soo gudbinna laga codsaday in ay si deg deg ah u soo gudbiyaan, bacdamaa uu waqtigii loo qabtay gebo-gebo sii yahay, waxaana Injineer kasta laga rabaa in uu soo gudbiyo Foomka, Hal Sawir oo Teesaro ah iyo Taariikh Nololeedkiisa (CV).
Sidoo kalena Injineerrada aan weli Foomka helin ama aan ka warqabin ayaa loogu baaqay in ay la xiriiraan Taleefoonnada kala ah 002521-225363/002521-658995 ama e-mailka ah banadir_CET@yahoo.com .
Xog-uruurintan ayaa la sheegay in looga dan leeyahay in marka ay soo dhameystiranto la sameeyo Urur ay leeyihiin Injineerrada Soomaaliyeed, iyadoo Injineer kasta uu xaq u leeyahay in uu Ururka ka mid noqon karo, la dooran karo, waxna dooran karo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online