14.1 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Taliyihii Ciidamada Madaniga Xaafadda NBC oo xalay toogasho lagu dilay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, February 28, 2007(HOL): Waxaa xalay Magaalada Muqdisho lagu dilay Taliyihii Ciidamada Madaniga Xaafadda NBC Alle ha u naxariistee Axmed Xirsi Maxamed Dhaashane, kaasi oo si weyn uga soo horjeeday kooxaha xaafadaha ka dhex tuura Madaafiicda.

 

Marxuumka oo uu dilay nin ku hubeysnaa Bastoolad ayaa waxaa la dilay isagoo ka soo baxayay Masjid gurigiisa u dhow oo uu ku soo tukaday Saaladdii Maqrib, iyadoo kadibna uu baxsaday ninkii dilka geystay.

 

Marxuum Axmed Xirsi Dhaashane ayaa intii uu noolaa waxaa uu sheegay in ay soo gaareen hanjabaado ay u jeedinayeen kooxo falal nabdgelyo darro ah waday oo uu ka ceyriyay dhowr jeer Xaafadda NBC, wuxuuna sheegay in uu ugu jawaabay in uusan ka hakan doonin howsha uu bulshada u hayo, isla markaana uu dhimanayo marka uu waqtigiisa dhamaado.

 

Dadka degan Xaafadda NBC ee Degmada Hodan iyo kuwa ku dhaqan xaafadaha kale ee la deriska ah ayaa aad uga xumaaday dilka loo geystay Marxuumka, waxayna sheegeen in aysan aqoonin sida ay xaaladdooda nabadgelyo ay noqon doonto kadib dilka marxuumka.

 

Dilka Marxuum Axmed Xirsi Dhaashane ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalintii shalay ahayd lagu dilay magaalada Muqdisho dad gaaraya lix ruux oo rayid ahaa, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la caddeynin sababtii naftooda loo dhaafiyay.

 

Dhanka kalena, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka xun tahay dilka loo geystay Taliyihii Ciidamada Madaniga Xaafadda NBC, wuxuuna wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle uu sheegay in uu marxuumka dhintay isagoo u halgamaya sidii ay dadkiisa ugu noolaan lahaayeen nabdgelyo.

 

Salaad Cali Jeelle waxaa uu intaas ku daray in ay Ciidamada Madaniga Xaafadaha iyo Dowladda Federaalka ay sii laba-laabi doonaan dadaalka ay kula dagaalamayaan kooxaha falalka nabadgelyo darrada ka wada Magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).