14.1 C
London
Tuesday, October 21, 2025

24-kii saac ee la soo dhaafay oo Dad lagu dilay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 27, 2007(HOL): 24-kii saac ee aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa ka dhacay magaalada Muqdisho dilal qorsheysan oo loo geystay dad rayid ah, waxaana dadka la dilay mudadaas saacadaha ah ay tiradooda gaareysaa ilaa lix Ruux.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Maxkamadihii Islaamka isaga tageen deegaanadii ay ka talinayeen ee Koofurta iyo Bartamha Soomaaliya, waxaana tan iyo xiligaasi soo kordhayay dilalka loo geysanayo dadka rayidka.

Dilalka inta badan ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxay isugu jiraan kuwo loo geysanayo dadka la shaqeeya Dowladda Federaalka, Dadkii la shaqeyn jiray Maxkaamdihii Islaamka iyo kuwo hanti ay heystaan darteed loo bar-tilmaameedsanayo.

Afarta ruux ee lagu dilay magaalada Muqdisho 24-kii saac ee aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa lagu kala dilay Suuqa Bakaaraha (3 ruux), nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium (1 Ruux), Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley (1 Ruux) iyo Deegaanka Afisyooni (1 Ruux),waxayna dhamaan dadka la dilay yihiin kuwo rayid ah oo aan hubeysneyn.

Xaaladda Ammaan ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid aan la isku haleyn karin, waxaana ka dhaca qaraxyo iyo weerarro lala beegsanayo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo qudhooda ay waxyeello ka soo gaarto dad rayid ah, waxaana weerarkii ugu dambeeyay shalay lala beegsaday Ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo Bambo loo geliyay Sandaqad ay ku nasanayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).