14.1 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Beesha Tanade oo Suldaan Caleemo saaratay

- Advertisement -spot_imgspot_img


Talaado, February 27, 2007(HOL): Waxaa dhawaan magaalada Kismaayo ee Gobolka J/Hoose ka dhacay shirweyne lagu caleema-saaray Suldaan ay yeelaneyso Beesha Tanade, kaasi oo ah Suldaan Xussen Suldaan Xaaji Maxamuud Suldaan Cilmi.

 

Shirkaas oo si xoog leh loo soo abaabulay ayaa waxaa ka soo qayb galay ku simaha Gobolka Jubbada Hoose   iyo duqa magaalada Kisimaayo iyo taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka.

 

Sido kale waxaa shirkaas goob jog ka ahaa khudbadana ka akhriyey dhammaan Salaadiinta iyo Ugaasyada  Beelaha ku nool Gobolka J/hoose iyagoo xusay taariikh nolooleedkii Suldaan Xaaji Maxmuud Cilmi oo caan ku ahaa waxqabadka iyo nabadeynta dadweynaha gobolkaas, kana mid ahaa aas-aasayaashii dhaqdhaqaaqii xornima-doonaka ahaa ee SYL, gaar ahaana Gobolka  Jubbada hoose, isla markaana waxaa halkaas khudbado dhaadheer ka jeediyey madaxda gobolkaas oo iyagana ku booriyey dadweynihi shirkaas ka soo qaybgalay nabad iyo heshisiin guud oo ummadda laga dhex abuuro.suldanka cusub waxaa xilka lagu wareejiyey kadib marki u geeriyooday walaalkiis alaha u naxaiistee Suldaan Cumar Suldaan Xaaji Maxamuud.


Suldaanka oo Khudbad Dheer akhriyey Doorashadiisa kaddib wuxuu dadweeynaha Gobollada Jubbooyinka  uu ku booriyey in ay midoobaan dibna ugu noqdaan Taariikhdii kalgacalka iyo is-xurmaynta ku dhisnayd oo lagu yaqiin dadka gacalka ah ee ku wada nool magaalada Kismaayo iyo Gobolka Jubbada Hoose.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).