14.1 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo sheegay goorta ay Ciidamada Uganda tegayaan Dalka Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 27, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxaa uu ka sheegay goorta ay Ciidamada Uganda imaanayaan dalka Soomaaliya.

 

Madaxweyne Yuusuf waxaa uu sheegay in Ciidamada ugu horeeya ee Uganda ka socda ay imaanayaan dalka Soomaaiya todobaadkan, wuxuuna caddeeyay in ay ciidamadaas wax ka qaban doonaan nabadgelyada dalka Soomaaliya.

 

Sidoo kalena sarkaal u hadlay Dowladda Uganda ayaa sheegay in Ciidamadooda ay Muqdisho ka degayaan maalmaha soo socda, wuxuuse ka gaabsaday in uu waqti cayimo marka laga reebo in uu carrabka ku dhuftay in ay daadgureynta ciidamadaas ay socon doonto ilaa 5ta bisha Maarso ee soo socota.

 

Ciidamada ay Uganda u soo direyso Soomaaliya ayaa waxay qeyb ka yihiin ciidamo 8,000 oo Askari gaaraya oo ay dalalka Midowga Afrika horay ugu yabooheen Soomaaliya, walow ilaa iyo haatan rasmi ahaan la hayo Ciidamada ay Uganda direyso.

 

Dowladda Uganda ayaa ciidamo gaaraya 1,500 oo askari waxay u direysaa dalka Soomaaliya, kuwaasi oo askarigiiba uu bishii mushaar ahaan u qaadan doono 500$, iyadoo askarigii ku dhintay Soomaaliyana ay reerkiisa mag-dhow ahaan u helayaan lacag u dhaxeysa 150,000$ ilaa 100,000$.

 

Dhanka kalena Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ka qeybgalay shirkii ay magaalada Addis Ababa ku yeesheen Madaxda Wadamada ku bahoobay Golaha Iskaashiga Sanca ayaa wuxuu dhanka kale ka digay in dhibaatada nabadgelyo darro ee ka jirta Dalka Soomaaliya ay u sii gudubto gobolka Geeska Afrika, wuxuuna ka codsaday in Wadamada la deriska ah Soomaaliya iyo guud ahaan Beesha Caalamka in ay Dowladda Federaalka ku garab galaan taageero la taaban karo.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo uga mahadceliyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi  taageerada uu siiyay Dowladda Federaalka waxaa uu dhinaca kale ka codsaday Dalalka Midowga Afrika in ay si deg deg ah ugu diraan Soomaaliya Ciidamadii ay u ballanqaadeen, si loo soo af-jaro nabadeglyo darrada ka jirta.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).