12.7 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Sedex Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo si daran ugu dhaawacmay Qarax Bambo oo ka dhacay Isgoyska Siinaay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, February 26, 2007(HOL): Shan ruux oo seddex ka mid ah ay yihiin Ciidamada Booliska ee ka howlgala Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho ayaa si daran ugu dhaawacmay qarax Bambo oo lala beegsaday Ciidamada Booliska ah ee halkaasi joogay.

Dad Goob joogayaal ah ayaa u xaqiijiyay HOL in qaraxaasi ay ka dambeeyeen koox dabley ah oo wadatay gaari TOYOTA Pick up ah, kuwaasi oo ka yimid dhinaca Isgoyska Baar Ayaan ee Wadada Jen. Daa’uud. Ragga qaraxa geystay ayaa markii ay gaareen Isgoyska Siinaay waxaa ay Bambada ku dhufteen Sandaqad yar oo ay ku harsanayeen Ciidamada Booliska, waxaana Qaraxaas si daran ugu dhaawacmay Ciidamadii halkaas ku jiray iyo dad rayid ah oo ka ag-dhawaa.

Ragga Qaraxa geystay ayaa baxsaday markii ay wax qarxiyeem, mana suurtagelin in ay qabteen Ciidamadii kale ee Isgoyska ku sugnaa. Qaraxa ka dhacay Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu si weyn u cabsi geliyay dadka ku nool xaafadaha ku dhow Isgoyskaas, kuwaasi oo markii ay maqleen qaraxa aad isugu walaacay.

Qaraxani ayaa markii uu dhacay kadib waxaa la arkayay Ciidamo boolis ah oo rasaas kor u ridaya, kuwaasi oo ku sugnaa Isgoysyada Siinaay iyo Xarar-yaale. Ciidamadani oo aad u anfariirsanaa waxay gadiidka isaga kala goosha labadaas Isgoys ay ku amrayeen in ay dhaqdhaqaaqa joojiyaan, iyadoo taasina ay gaadiidka BL ah ku qasabtay in ay maraan waddooyinka mara xaafadaha dhexdooda.

Ma ahan markii ugu horeysay oo qarax lala beegsanayo Ciidamada Dowladda Federaalka uu ka dhaco Magaalada Muqdisho, inkastoo qaraxani uu yahay mid dharaar cad si fool ka fool ah loola beegsaday goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somali

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).