12.7 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Shir la xiiria Watashiga Dadka Soomaaliyeed ee ku nool qurabah oo lagu Qabtay Dalka Holland

- Advertisement -spot_imgspot_img


Isniin, February 26, 2007(HOL): Waxaa lagu qabtay magaalda Dan Haag ee dalka Holland shir balaaran oo ay soo qaba-qaabiyeen qaar ka mid Jaaliyadda ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Holland kaasoo looga hadlayay Doorka dadka qurbaha ku nool ay qaadan karaan howlaha Nabeeded iyo kuwa did u dhiska ee ka socda dalka Soomaaliya.

 

Barnaamijkan oo daba socday socdaal ay dhawaalahan danbe ay ku marayeen Dalal ka mid ah Europe Mas’uuliyiin ka kala socostay Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga Soomaliyeed – (CRD) iyo Hay’adda CARE. Kulmadaan ayaa looga gol lahaa in la helo qaab Somalida Diabdda ku nool ay iyaga oo iskuduuban ay kaalin mud leh uga geeysan lahaayeen hoowlaha Dib u dhiska Dalka.

 

Xarunta Cilmi Baarists iyo Watashiga Soomaaliyeed (CRD), oo in mudo ah Cilmi Baaris iyo hoowlo la xiriira Nabadeeyn ka waday dalka ayaa waxaa ay halkaas ku soo bandhigtay warbixin “presentation” si qoto dheer uga hadlyay doorka Soomaalida Dibadda ku nool ay ka qaataan howlaha dalka ka jira. Jabril Ibrahim Abdulle, Madaxa Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed (CRD) oo soo bandhgay warbixintaas ayaa ku nuux-nuuxsady doorka dhaqaale , siyaasadeed iyo mid ka bulsho ee ay Dadka dibada ku leeyihiin hurumarinta Soomaaliyeed.

 

Dadka lagu tilmaamo Diaspora ayaa waxaa lagu qiyaasaa in ay gaarayaa qiyaas u dhaxeeysa 1.3 ilaa 1.6 Million, tiradaan oo dhaqaale ahaan dalka soo galisao in ka badan 1.2 Billion Dollars. Waxaa dalka intiisa badan ka jiro gancasiyo ay hogaanka u hayaan Soomaalida dibadda kas soo noqotay, Deegaan kastaa ee ku yaal Soomaaliya waxaad ku arkaysaa raadkii Soomaalida dibadda ku nool ay ku reebeen. Jabril Ibrahim Abdulle oo si qoto dheer uga hadlay Dhibka haysa Soomaalida ku nool dalka gudishiisa iyo sida ay lama huraan u tahay in dadka ku nool qurbuhu ay is waafajiyaan dareenkood iyo Awoodooda.

 

Sidoo kale mudoyinkii la soo dhaafay waxaa bilabatay dar-dar ay muujiyeen Soomaalida dibadda ku nool taas oo ku wajahan sidii ay kaalin muuqata uga qaadan lahaayeen siyaaasaadda ka socota dalalka Soomaalida ku nool yihiin. Waxaa wadama badan ka soo if baxaya siyaasiyiin Soomaali ah oo ku guuleystay in loo doorto heer degmo, magaalo iyo in ay xuban ka noqdaan hay’adda ugu sareeysa ee shaci sameeynta ee dalalka ay ku nool yihiin , Waxaana muuqata in 10 ka sano ee socotaa la heli doono Somali ka mid noqoqo goloha wasaaradda dowldaha ka jira wadamada Soomaalida ku nool yihiin. Waxaa muuqanaysa in ay lama huraan tahay in la isku xiro dhaq-dhaqaas ka jira qurbaha iyo kan ka jira dalka gudihiisa.

 

Kulan waxaa isna ka soo jeediyay warbixn Sarkaal ka tirsan Hay’adda CARE oo ka hadlay hoowlaha CARE ka wado Soomaaliya. Mohmed Bashir waxaa uu sheegay in muhim gaar ah u leedahay Hay’adda CARE in ay kaalin ka gaysato xirririnta Soomaalida Dibaddaku nool iyo kuwa gudaha ku nool. Mohamed Bashiir waxaa uu tusaale u soo qaatay ururka NEDSOM oo wada howlo la xiriia xiririta dadka qurbaha ku nool iyo Soomaalida ku nool Holland.

 

Xarunta Cilmibaarista iyo watashiga Soomaaliyeed (Center for Research and Dialogue-Somalia (CRD) oo xiriir qoto dheer la leh Soomaalida ku nool qurabaha , shirar badana ku qabatay dalka dibadiisa ayaa ku boorosay dadkii ak soo qayb-galay shrka in la qabto shirar lagu midaynayo dadka ku nool qurbaha. Waxaa kaloo dadkii ka soo qayb galay ka codsadeen Xarunta CRD-Somalia in ay daraasaad dheeraad ku sameeyo sida wadamada kale ay uga faa’iidaysteen amaba ay isugu xirmeen dadkooda dibadda ku nool iyo kuwa gudaha ku nol, tusaale ahaan waxaa loo soo qaatay Mozambique, Vietnam, South-Africa and Ghana , si dadka Somaaliyeed uga faa’iidaytaan qibradahooda.

 

Kulankaas oo ah mid saacado socday, ka qayb-galyaasha waxaa ay soo jeediyeen fikrado kale duwan oo dhamaantood ku wajahan sida looga faa’iideysan lahaa dadka qurabah ku nool isla markana loo miday lahaa.

Qodobada kale ee laga dooday waxaa ka mid ahaa:

 

Qaababka ay suura gal u tahay in la sii kobciyo dooka “Somali Diaspora” ka ciyaari karto geedi socodka nabbada ee Soomaaliya.

 

Aruurnta quwada dadka qurbaha ku nool si wax qabadkoodu u noqdo mid tayaysan.

 

Isku xirka dadka qurbaha ku nool iyo kuwa Somali “Civil Society” oo gudaha ku nool

 

Sida ugu haboon ee dadka ku nool qurbaha ay qayb uga qaadan lahaayeen wacyi galinta dadka ku nool wadamada ay ku nool yihiin, iyo waliba doowlada ka jiraa dalalkaas.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).