Isniin, February 26, 2007(HOL): Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali oo ka mid ah 42 Xildhibaan oo lagu eedeeyay in ay sabab la’aan uga maqnaayeen fadhiyada Baarlamaanka, isla markaana loo diiday in ay ka qeybgalaan shir ay shalay Xildhibaanada Baarlamaanka ku lahaayeen Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu sheegay in ay sharci darro ku tilmaamay tallaabada lagu qaaday.
Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali waxaa uu sheegay in xeer hoosaadka Baarlamaanka uu dhigayo in Xildhibaankii sabab la’aan uga maqnaada Fadhiyada Baarlamaanka muddo 2 bilood ah uu xilka weynayo, hayeeshee xildhibaanada uu ka midka yahay ee la eedeynayo ay ku maqnaayeen shaqo iyo fasax, taasina uu ku ogaa Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan.
“Guddoomiyaha Baarlamaanka waa cusub yahay, waxaa la rabay in uu xiriir la sameeyo Guddoomiyihii hore, isla markaana uu kala ogaado cidda sabab ku maqan iyo cidda iska maqan”ayuu yiri Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali.
Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa dhawaan soo jeediyay in Xildhibaanada Baarlamaanka ee mudada labada bilood ka maqan Fadhiyada Baarlamaanka la bedelo, isagoo caddeeyay in beelaha ay ka soo jeedaan Xildhibaanadaas ay ula yimaadeen rag ay doonayaan in lagu bedelo xubnihii hore.
Dhanka kalena, Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanada sida weyn uga soo horjeeda siyaasadaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa maalintii shalay ahayd waxaa jidka ku qash-qashay Ciidamo ay sheegtay in ay ka tirsan yihiin Fariisinka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ee Magaalada Baydhabo, waxayna sheegtay in haatan wixii ka dambeeya aysan u dulqaadan doonin in iyadoo Mudane Baarlamaan ah xadgudubyo loo geysto, isla markaana ay is-difaaci doonto.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online