Axad,
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya joogitaanka ciidamadan ee Degmada Afgooye, waxayna wararka qaarkood sheegayan in Ciidamadan la doonayo in ay wax ka qabtaan falal nabadgelyo darro ah oo ka jira deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, halka warar kalena ay sheegayaan in ciidamadan ay xoojin u yihiin Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho.
Dad Degmada Afgooye ku dhaqan oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay Ciidamadan ku amreen dadka degan guryihii Dowladda in ay isaga baxaan, iyadoo si gaar ah amar loo siiyay Dadka degan Xarunta Jaamacaddii Beeraha iyo Beerta C/raxmaan Jaamac Barre, waxaana la sheegayaa in ay Ciidamada Itoobiyaanka doonayaan in ay halkaasi fariisimo ka sameystaan.
Imaatinka Ciidamadan ee Degmada Afgooye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay Degmadaas dhawaanahan ku sii qaxayeen dad badan oo ka cararay madaafiicda Muqdisho la isku weydaarsanayo, waxaana la soo sheegayaa in ay haatan dadkaas la soo deristay cabsi kale oo la xiriirta Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo degay halka ay u qaxeen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com