12.7 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Muqdisho iyo Cabsi Dadka ku nool la soo derista habeenkii

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, February 25, 2007(HOL): Dadku inta badan ma seexdaan habeenkii, waxayna iska jiraan in iyagoo hurdaya ay bilowdaan madaafiicda ay labadaas dhinac isku ridayaan. marka ay bilowdaan madaafiicda la isku tuur tuurayo dadku mar kaliya  ayay guryaha ka soo baxaan, waxayna iyagoo walaacsan ay isugu soo baxaan guryaha shubka ah ee ku yaala xaafadahooda dhexdooda.

 

Waxaa jiro kooxo war ku  nool ah oo sameeya warar aan jirin oo ay dadka ku cabsigelinayaan sida iyagoo soo tebiya warar sheegaya in xaafadaha lagu arkay kooxo doonaya in ay madaafiic ku tuuraan fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee la jooga, markaasi oo kale waxaa la arkaa caruur iyo haween gacmaha is-heysta oo guryahoodii ka qaxaya sabab la xiriirta warka aan jirin ee loo soo sheegay.

 

Cabsidaas waxay dadka ka go’daa marka subaxdii la gaaro, xiligaasoo ay dadku guryaha banaanka uga soo baxaan, isla markaana ay u kala foofaan howl maalmeedkooda. Sababta ay dadka habeenkii u cabsanayaan ayaa waxay tahay iyadoo ay guryaha ku jiraan, isla markaana ay xaafadahooda soo dhexgalaan kooxaha madaafiicda tuura, iyagoo kadibna dhaxla madaafiicda jawaabta ah ee ay soo ridayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Tan iyo markii ay Muqdisho ka bilowdeen Madaafiicda la isku tuur-tuurayo ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka qaxayay dad badan oo ka cararaya madaafiicda aan loo meel dayin ee ay isku ridayaan Ciidamada Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo kooxaha ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).