12.4 C
London
Sunday, October 19, 2025

C/rashiid Cali Ceynaanshe oo Xoriyaddiisii dib u helay kadib 18 cisho oo af-duub lagu heystay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, February 24, 2007(HOL): C/rashiid Cali Ceynaanshe oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa xoriyaddiisii dib u helay kadib markii ay muddo 18 cisho ah  ay af-duub ku heysteen rag hubeysan oo ka qafaashay Xaafadda Xamar Jadiid ee Magaalada Muqdisho.

 

C/rashiid Ceynaanshe oo aan la xiriirnay markii la soo daayay kadib ayaa wuxuu HOL u sheegay  in uu caafimaadkiisa wanaagsan yahay, isla markaana intii uu af-duubnaa si wanaagsan loola dhaqmay, wuxuuna ku gaabsaday in af-duubkiisa uu salka ku hayay aano Qabiil. Mas’uulkan ka tirsan Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa u mahadceliyay intii gacanta ka geysatay sii deyntiisa iyo in uu xoriyaddiisa dib u helo.

 

Magaalada Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay isaga baxeen maxkamadihii Islaamka, isla markaana ay gacan ku heynteeda la wareegeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa waxaa ku soo kordhayay falal isugu jira dil, dhac iyo af-duub ay sii dheer yihiin madaafiic ay is-weydaarsanayaan Ciidamada Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo Kooxo ka soo horjeeda, kuwaasi oo ku habsanaya dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).