Sabti, February 24, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ayaa maanta degan kadib markii uu shalay maqribnimadii dagaal xooggan ka dhacay, kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiyaanka oo isku dhinac ah iyo Kooxo Maleeshiyooyin ah oo aad u hubeysnaa.
Khasaaraha uu dagaalkaas geystay ayaa u badan dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo guryahooda ay ugu tageen madaafiic iyo rasaas habow ah, waxaana ilaa iyo haatan la xaqiijiyay dhimashada 10 ruux iyo dhaawac intaas ka sii badan.
Dagaalka shalay maqribnimadii ka dhacay nawaaxiga Wasaaraddii Gaashaandhigga ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo muddo seddex cisho ah ay dadka Muqdisho ku noolaayeen jawi deganaan ah oo aaney jirin weerarro u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda oo madaafiic la isugu adeegsanayo.
Dhanka kalena waxaa sii kordhaya dadka Muqdisho ka qaxaya ee ka cararaya Madaafiicda ay isku tuur tuurayaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee isku dhinaca ah iyo Kooxaha ka soo horjeeda, waxayna dadkaasi intooda badan u baxeen dhinaca Degmada Afgooye, iyadoo la sheegayo in ay ka sii aadayaan Degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, halka ay jiraan dad kale oo u qaxay Magaalada Baydhabo iyo Magaalooyin kale oo ka tirsan Gobolka Bay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia