12.4 C
London
Sunday, October 19, 2025

Ra’iisal Wasaare Geedi oo Baydhabo ku laabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, February 24, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee fariisinka u ah Dowladda Federaalka kadib markii uu socdaallo ku soo kala bixiyay dalalka Faransiiska iyo Kenya.

Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo dalka Faransiiska uga soo qeyb-galay shir ay isugu yimaadeen madax ka socday Dowladda Faransiiska iyo Dowladaha Afrika ayaa waxaa ku soo dhawaaweeyay Wasiirro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Cusmaan Cilmi Boqorre, Xasan Abshir Faarax iyo Saalim Caliyow Ibrow.

Ku soo laabashada Dalka Soomaaliya ee Ra’iisal Wasaare Geedi ayaa waxay ku soo beegmeysaa, iyadoo ay dalka ka maqan yihiin iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo labaduba socdaallo ku kala bixinaya dalalka Ingiriiska iyo Kenya.

Dhanka kalena, waxaa maanta magaalada Baydhabo ka amba baxay Wafdi ka socda Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo dalka Liibiya uga qeybgeli doono shir ay halkaasi ku leeyihiin Xildhibaano ka socda wadamada Carabta, wuxuuna shirkaasi ku saabsan yahay arrimaha Bulshada, Dhalinyarada iyo Horumarinta Qoyska.

Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa tan iyo markii ay xilka qabteen waxay inta badan ku mashquulaan ka qeybgalka shirar heer gobol iyo heer caalami isugu jira, iyadoo ay dadka Soomaaliyeedna ay waxqabad ka sugayeen muddo labo sano ka badan oo ay ku soo dhameysteen magaalooyin aan ahayn caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho, walow haatan ay Dowladda Federaalka isku dayeyso in ay ka howlgasho Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin kooxo ka soo horjeeda oo weerarro ku qaada fariisimadeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).