12.4 C
London
Sunday, October 19, 2025

Dagaal xooggan oo caawa Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Maleeshiyooyin hubeysan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, February 23, 2007(HOL): 7 ruux ayaa geeriyootay tiro kale oo intaas ka badanna waa ay dhaawacmeen kadib markii uu dagaal xooggan ku dhexmaray nawaaxiga Wasaaraddii Gaashaandhigga Maleeshiyooyin hubeysan iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya.

 

Dagaalka oo qarxay kadib markii laga soo baxay Salaaddii Maqrib ayaa wuxuu socday qadar daqiiqado ah, hayeeshee intii uu socday ayaa waxaa uu sababay dhimashada intaas la eg oo dhamaantood ah dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic habow ah oo ay rideen Ciidamada Isbaheysanaya ee Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

 

Dadka dhintay ayaa waxay madaafiicda ugu tagtay Degmooyinka Kaaraan, Howl-Wadaag iyo Hodan, waxaana ugu calool xumo badan madfac xaafad ka tirsan Degmada Kaaraan ku dilay Haweeney iyo labo caruur ah oo ay dhashay, kuwaasi oo sida la sheegay ka qaxay Suuqa Bakaaraha kadib markii ay dhowr jeer madaafiic ku soo dhinac dhaceen.

 

Ilaa iyo haatan dadku waxay la yaabsan yihiin sababta ay Ciidamada Itoobiyaanka mar kasta oo weerar loo geysto u ridayaan madaafiicda ridada dheer, iyadoo ay awoodi karaan in ay hub fudud kula dagaalamaan kooxaha ka soo horjeeda ee weerarada ku qaada.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dagaalkii fool ka foolka ahaa ee caawa lagu qaaday fariisinka Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee Wasaaraddii gaashaandhigga ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo seddexdii habeen ee la soo dhaafay ay dadka Muqdisho ka nasteen madaafiicdii ay is-weydaarsan jireen kooxaha la baxay Muqaawamada Shacabka iyo Ciidamada Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna weeraradaas madaafiic tuuridda ah hakadeen kadib markii ay Xaafadaha Magaalada Muqdisho badankood ay sameysteen Ciidamada Madani ah oo ka hortaga in xaafadahooda laga dhex tuuro madaafiic ay jawaabtooda waxyeello ka soo gaarto.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).