12.4 C
London
Sunday, October 19, 2025

Khasaaraha Dagaalkii ka dhacay Maar-Moog oo sii kordhaya iyo maamulka Gobolka Hiiraan oo ka hadlay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, February 23, 2007(HOL): Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya Qasaaraha dagaalkii dhawaan ku dhax-maray deegaanka Baar-magoog oo ka tirsan dhulka is-maamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya in  dhimashada labada dhinac mareyso  ku dhawaad 20 ruux   halka dhawaacuna uu intaa ka badan yahay.

 

Dhaawaca oo la kala dhigay isbitaalada  Degmooyinka Guri-ceel iyo B/weyn  ayaa qaar kood u muuqda kuwo aan  xaaladoodu wanaagsaneyn, waxaana dhaqaatiirta caafimaadka gaar ahaan kuwa ka howl-gala mid ka mid ah isbitaalada la dhigay dhaawaca  ay sheegayaan in  hadii uu dagaalku sii socdo ay adag tahay in wax loo qabto  dhawaaca maadaama hada ay la daalaa dhacayaan kuwa jiifa.

 

Wararka ugu danbeeya ee laga helayo goobta lagu dagaalamay ayaa sheegaya in xaaladu degan tahay  iskastoo la dareemayo abaabul dagaal oo labada dhinac ah,  waxaana taa bar bar socda waan waan la doonayo in labada dhinac lagu kala dhax-galo,

 

Maamulka Gobalka Hiiraan oo arintaa shir deg deg ah ka yeeshay ayaa waxaa ay soo saareen qodobo  ku wajahan dhinacyada dagaalamaya, gaar ahaan waxaa ay ugu baaqeen labada beelood in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalada  islamarkaana loo hogaasamo baaqyada ka soo baxaya wax-garadka labada dhinac.

 

Gudoomiye ku xigeenka maamulka Gobalka Xuseen Cumar Xasan “Gacamey” ayaa sheegay in uu jiro wal wal badan oo laga qabo in dirirtu ku soo fido dhinac gobalka maadaama labada garab ee dagalamaya yihiin kuwo wada daga  gudaha gobalka, waxaana uu sheegay  Gacamey in hada heegan buuxa la galiyay ciidamada nabad-galyada sid looga hortago  in ay dhacaan  wax yaabo qal-qal galin kara amaanka guud.

 

Isku qabsashada deegaanada lagu wada nool yahay waa mid qeyb ka ah  khilaafyada inta badan ka dhax dhaca beelaha soomaalida, waxaana  la oran karaa dagaalada ka bilaawda   la haan shaha  Ceel-biyood  ama dhul daaqis ah  yihiin kuwa ugu daran ee   sababa dagaalada soo iska soo daba laabta, kuwaasoo xitaa ay adag tahay in xal buuxa laga gaaro maadaama mar walba reer miigu ku kulmayaan   Ceelasha biyaha iyo waliba dhulka daaqisnka leh.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).