12.4 C
London
Sunday, October 19, 2025

Qadiibkii Masjidka Isbaheysiga Islaamka oo la sii daayay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, February 23, 2007(HOL): Waxaa la sii daayay oo xoriyaddiisii dib u helay Qadiibkii Masjidka Isbaheysiag Shiikh C/raxmaan Culusow (Shariifka oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka ka kaxeysteen nawaaxiga Masjidka Isbaheysiga Islaamka.

 

Sii deynta Qadiibka ayaa waxaa ka qeyb qaatay dad ehello iyo saaxibo la ah, kuwaasi oo dadaalkooda isugu geeyay sidii uu Shiikh C/raxmaan xoriyaddiisii dib ugu heli lahaa kadib muddo ka badan 24 saacadood oo uu u xirnaa Ciidamada Dowladda Federaalka.

 

Shiikha oo markii la soo daayay kadib saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in intii uu xirnaa la weydiinayay su’aalo ay ka mid ahaayeen in uu xiriir la lahaa Maxkamadihii Islaamka iyo kuwo kale, wuxuuna intaas ku daray in intii uu xirnaa si wanaagsan loola dhaqmay, isla markaana aysan jirin wax dhibaato ah oo loo geystay.

 

Shiikh C/raxmaan Culusow waxaa uu sheegay in uusan garaneynin sababta ka dambeysa xarigiisa, wuxuuse carrabka ku dhuftay in uu tuhmayo in ay far-muqeen Rag Culumaa’udiin ah  oo jooga Qabriga Waliyow Cadde ee u dhow Masjidka Isbaheyisga Islaamka.

 

Shiikh C/raxmaan Culusow oo mahadcelin u jeediyay dhamaan intii ka qeyb qaadatay sii deyntiisa waxaa uu dhinaca kale rajo ka muujiyay in isna la sii deyn doono Nin lagu magacaabo Shiikh C/waaxid, kaasi oo ay ciidamada Dowladda Federaalka horay u qabteen Masjidka Isbaheysiga Islaamka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).