Jimco, February 23, 2007(HOL): Ciidamada Madaniga Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa dagaal xooggan kula jira kooxaha ku kacsan Dowladda Federaalka ee xaafadahooda dhexdooda madaafiicda ka rida.
Marka Qoraxda dhacdo ayaa inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho waxaa lagu arkaa ciidamo madani ah oo xeyn xeyn u socda, kuwaasi oo socod roondo ah ku maraya gudaha xaafadahooda si ay uga hortagaan kooxo xiliga habeenkii madaafiic ku tuura fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka.
Shalay oo kale waxaa isku dhacay Ciidamada Madaniga Xaafadda Al-Barakaha ee magaalada Muqdisho iyo kooxo doonayay in ay Madaafiic halkaas ka tuuraan, waxaana is-rasaaseyn dhexmartay ku dhaawacantay labo ruux oo ka tirsanaa kooxihii madaafiicda watay.
Kooxahan Madaafiicda tuura ayaa waxay yihiin kuwo aad u hubeysan oo mararka qaarkoodna awood u leh in ay awood u isticmaalaan xaafadaha qaarkood, kadibna ay tuuraan madaafiicda ay la beegsanayaan xarumaha Dowladda.
Ciidamada Madaniga ayaa waxay u muuqdaan kuwo qabtay howl laga sugayay in ay qabato Dowladda Federaalka, taasi oo ahayd in ay la dagaasho kooxaha falalka nabadgelyo darrada ah ka wada magaalada Muqdisho, waxaana tallaabada ay qaadeen Ciidamada Madaniga Xaafadaha si weyn u dhaweeyay dadka ku dhaqan Degmooyinka sameystay Ciidamada Madaniga
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online