12.4 C
London
Sunday, October 19, 2025

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kulan la qaatay wakiillo ka socday Bahda Saxaafadda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, February 23, 2007(HOL): Kulan ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlayay sida ay saxaafadda madaxa bannaan ee Soomaaliyeed ay uga qeyb qaadan lahayd nabadeynta dalka Soomaaliya ayaa saakay waxaa uu ka dhacay Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho.

 

Kulankaas waxaa dhinaca Dowladda uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere), Wasiirka Deegaanka iyo maareynta aafooyinka Maxamed Maxamuud Xeyd, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Yuusuf Geelle Ugaas, Wakiilka Dowladda Federaalka ee Midowga Yurub Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Xuseen Maxamuud Maxamed iyo xubno kale, halka ay dhinaca saxaafaddana kulanka uga qeybgaleen wakiillo ka socday Idaacado, Website-yo iyo Wargeysyo xaruntoodu tahay Magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka arrimaha Gudaha  Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere oo ugu horeyntii kulanka ka hadlay ayaa dhaliil u jeediyay Bahda Saxaafadda, wuxuuna sheegay in ay dadka marin habaabiyaan, isla markaana ay wararka ka qaataan dhinaca wax burburinaya. Eedaha uu sida gaarka ah u xusay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee ay Dowladda saxaafadda ka tirsaneyso ayaa wuxuu ku sheegay in ay sheegaan in magaaladii laga qaxayo kadib markii ay dowladda madaafiic ku garaacday, iyadoo sida uu yiri aaney jirin dad badan oo magaalada ka qaxay.

 

Wasiirka waxaa uu ku nuux nuuxsaday in saxaafadda looga baahan yahay in ay ka qeybqaadato dib u dhiska dalka iyo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa, isla markaana ay iska deyso wararka dadka niyadda ka dilaya.

 

Wasiirka Deegaanka iyo Maareynta Aafooyinka Maxamed Maxamuud Xeyd oo isna kulanka ka hadlay ayaa ka codsaday bahda saxaafadda in ay wixii jiro ka sheegaan Dowladda Federaalka, balse ay ka fogaadaan sheegitaanka warar aan jirin oo la been abuuray, wuxuuna caddeeyay in uusan marnaba dhaheynin yaanan la sheegin qaladaadka ay gasho Dowladda, hayeeshee loo baahan yahay in si mas’uulnimo ah wax loo sheego.

 

Markii ay hadleen mas’uuliyiintii ka socotay Dowladda Federaalka ayaa waxaa markooda hadalkii la siiyay wakiilladii ka socday Bahda Saxaafadda, waxayna isku difaaceen in waxyaabaha ay dowladda ku dhaliileyso ay yihiin wax ay dowladda sameysay oo markaasina aysan saxaafadda iyadu sameynin wararka.

 

Wakiilladii saxaafadda ayaa Dowladda ku dhaliilay in aysan xiriir la lahayn Warbaahinta, mararka qaarkoodna aysanba iska warqabin mas’uuliyiinta Dowladda, taasina waa ay garowsadeen mas’uuliyiintii Dowladda, waxayna sheegeen in ay sixi doonaan qaladkoodaas, isla markaana haatan wixii ka dambeeya la sameyn doono il ay warka ka qaataan Saxafiyiinta.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, kulankaas ayaa gunaanadkiisii waxay labada dhinac isku af-garteen in laga wada shaqeeyo sidii dalka Soomaaliya loo soo celin lahaa nabadgelyadii uu lahaan jiray, sidoo kalena dadka loogu wacyigelin lahaa in ay nabadda wax ka dhaliyaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).