Arbaco, Febraayo 21, 2007(HOL): Guddoomiyihii Degmada Yaaqshiikh Muxyaddiin Xasan Xaaji ayaa caawa Kooxo hubeysan waxay ku dileen gurigiisa oo ku yaala Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.
Rag ku hubeysan Bastoolado iyo Qori gacmeedyo ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Guddoomiyihii hore ee Degmada Yaaqshiid, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday.
Xiliga dilka loo geysanayay Guddoomiyaha ayaa wuxuu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaalay halka lagu magacaabo Jiiro Garoob oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid, waxaana marxuumka oo markii hore dhaawac noqday loola cararay Isbitaalka Keysaney halkaasi oo uu ku geeriyooday.
Shiine Waasuge oo ah Horjoogaha Ciidamada Madina Degmada Yaaqshiid, gaar ahaan Laanta Towfiiq, isla markaana Guddoomiyaha ku dhawaa ayaa sheegay in Dilka Guddoomiyaha uu ahaa mid siyaasadeed, walow uu ka gaabsaday in uu faah faahin dheeri ah bixiyo. Shiine wuxuu intaas ku daray in ay hayaan nin ay ku tuhmayaan in uu ka tirsanaa raggii dilay Guddoomiyaha.
Guddoomiyihii Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Xaaji ayaa wuxuu ka mid ahaa Guddoomiyayaasha 16-ka Degmo ee Gobolka Banaadir ee ay dhawaan howl gelisay Dowladda federaalka, kuwaasi oo maalmihii tegay ku howlanaa sugidda nabdagelyada Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Sidoo kalena waxaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho guddoomiye ku xigeenkii Degmada Madiina, kaasi oo ay isna dileen kooxo ka gar-daran oo aan heybtooda la aqoonsanin. sidoo kalena waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho af-duub loo geystay dad rayid ah oo guryahooda ku sugnaa.
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cadde oo markii uu dilkaas dhacay kadib saxaafadda la hadlay ayaa cambaareeyay dilka loo geystay Guddoomiyihii Degmada Yaaqshiid iyo guddoomiye ku xigeenkii Degmada Madiina, waxayna tacsi u direen qoyskii iyo eheladdii ay ka geeriyoodeen.
Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali (Cadde) ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed loo baahan yahay in ay gacan ku siiyaan maamulka gobolka Banaadir sidii uu uga hortegi lahaa kooxaha nabadgelyo darrada ka dambeeya, wuxuuna caddeeyay in haddii aaney dowladda Shacabka gacan ka helin aysan waxba gaban karin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com