Arbaco, February 21, 2007(HOL) 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaraamada Midoobay oo ka shiray arrimaha ciidamo u dirista Soomaaliya ayaa isku raacay in Ciidamo nabad ilaaliyayaal ah loo diro Soomaaliya, si ay wax uga qabtaan xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya.
Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa waxay ugu baaqeen 53-ka Dal ee Midowga Afrika in ay si deg deg ah Ciidamo ugu diraan Soomaaliya, sidoo kalena waxay ugu baaqeen dalalka ku jira Qaramada Midoobay in ay dhinaca dhaqaalaha ka taageeraan Ciidamada Nabad ilaalinta u tegaya Soomaaliya.
Golaha Ammaanka sidoo kale wuxuu ka codsaday Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon in uu dabagal ku sameeyo suuurtagalnimada in ciidamo ka socda UN-ka ay Soomaaliya ka howlgalaan kadib marka ay dhamaato mudada lixda bilood ah ee ay Ciidamada Afrikaanka ka howlgelayaan Soomaaliya.
Dowladda Uganda ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda Ciidamadeeda u soo dirto Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay Dowladaha Burundi iyo Nigeria ay balanqaadeen in ay iyana ciidamo geynayaan Soomaaliya, walow ay Dowladda Burundi sheegtay in ay dhibaato ka heysato dhinaca Qalabka Mileteriga.
53-ka Dal ee ku bahoobay Ururka Midowga Afrika ayaa laga doonayaa in ay Ciidamo tiradoodu dhan tahay 8,000 oo askari ay u diraan Soomaaliya, waxaana ilaa iyo haatan la hayaa oo diyaar ah 1,500 oo askari oo ay Dowladda Uganda maalmaha soo socda u direyso Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online