12.6 C
London
Saturday, October 18, 2025

Magacaabis uu sameeyay Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Hiiraan oo muran uu ka taagan yahay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, February 21, 2007(HOL): Muran adag ayaa ka taagan sida uu sharci u noqon karo magacaabis uu sameeyay gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobalka hiiraan Xuseen Cumar Xasan Gacamey oo dhawaan wareegto ku magacaabay gudoomiye ku xeegan cusub oo uu yeelanayo maamulka degmada.

 

Arinta oo siweyn su’aalo iyo muran uga dhax dhalisay  gudaha maamulka heer gobal iyo  degmo ayaa durbadiiba waxaa jawaab ka bixiyay  gudoomiyaha maamulka degmada  Axmed Gobay cawaale oo sheegay in uu san war u heyn  talaabada uu qaaday gudoomiye ku xigeenka maamulka gobalka, waxaana uu intaa raaciyay  in wax sharci daro ah ay tahay in uu iskii  uu maamul isaga dhawaaqo gudoomiye ku xigeenka gobalka, waayo ayuu yiri  xaqba uma laha magacaabista ceenkaa oo kala ah.

 

waxaana uu intaa ku daray in  hadiiba la balaarinayo  maamulka heer gobal iyo degmo taa ay ka go’do oo kaliye dowlada federaalka oo markii horeba soo magacaawday ayuu yiri maamulka hada jira,   “Anigu ma diidayo in xubno cusub lagu soo biiro degmada lakiin way adag tahay in la qaato wax aan sharciga waafaqsaneyn”  ayuu yiri Axmed Gobay oo ka jawaabayay su’aal ay weydiisay HOL oo aheyd in uusan raali ka aheyn xubno cusub oo maamulkiisa lagu soo biiriyo .

 

sidoo kale gudoomiye ku xigeen  maamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegay in magacaabista uu sameeyay ay tahay mid uu kala tashaday maamulka qeybihiisa kale   xitaa waxaa uu intaa ku daray in loo gudbiyay dhinaca magaalada  Baydhabo si markaa dowladu u ansixiso walow hadana sheegashada gudoomiye ku xigeenka  maamulka gobalka aysan wax war ah ka soo saarin  mas’uuliyiinta kale hadii ay ahaan la haayeen  heer gobal iyo degmo.

 

dhanka kale wararka ka soo baxaya dhinaca degmada Matabaan ee gobalka hiiraan ayaa sheegaya in Qaarax  ka dhacay degmada ay ku geeriyoodeen  3 caruur ah, Qaraxan oo ilaa hada aan la xiqiijin sababta uu ka dhashay ayaa sida wararka qaar ay sheegayaan loo maleynayaa in uu ahaa mid ka dhashay  Bam caruurtu ay ku cayaarayeen.

 

caruurta ayaa mid ka mid ah waxaa uu ku geeriyooday isla goobta Qaraxu ka dhacay halka labada kalana ay ku geeriyoodeen  Isbitaalka degmada Guri ceel,  16 sano ee la soo dhaafay ayaa dagaaladii ka dhacay dalka waxaa ay sababeen in wali deegano ka mid ah dhulka soomaalida ay daadsan yihiin wax yaabaha Qarxa oo taasoo dhibaato ku ah dadka ay duunyada ku dhaqan goobaha wali Qaraxyadu ku harsan yihiin haba ugu sii darnaadaan miinooyinka dhulka hoostooda ku aasan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).