Arbaco, February 21, 2007(HOL): Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bilowday weerarada madaafiicda loo adeegsanayo ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kooxaha la baxay Muqaawamada Shacabka ayaa waxaa maalinba maalinta ka dambeysay sii kordhaya dad isaga qaxaya Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ka cararaya in ay waxyeello ka soo gaarto madaafiic aan loo meel dayin oo ay labadaas dhinac isku ridayaan.
Deegaano ka tirsan Gobollada Shabeelooyinka oo ay ka mid yihiin Degmooyinka Afgooye, Marka iyo Jowhar ayay dadka Muqdisho badankood u qaxeen, si ay naftooda ugu badbaadiyaan, hayeeshee waxaa halkaas laga soo sheegayaa Kaneeco (Malaria) faro ba’an ku heysa dadka deegaanadaas horay ugu noolaa iyo kuwa haatan u qaxay.
Sida muuqata dadka ka qaxay Madaafiicda Magaalada Muqdisho waxay ka door bideen waxyeello uu u geysto Madfac habeenkii ku dhaca in ay naftooda ula baxsadaan Deegaano laga soo sheegayo kaneeco iyada lafteeda halisteeda leh.
Sababta ugu weyn ee dadku Muqdisho ku kaliftay in ay guryahooda ka cararaan ayaa waxay tahay iyadoo kooxo aan u naxeynin dadka rayidka ah ay Madaafiic ku tuurayaan fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyadoo kadibna lagu soo jawaabo Madaafiic waa weyn oo waxyeellada ay geysanayaan ay ka saameyn badan yihiin dhawaqooda.
Waxaa taas ka sii daran oo ay Dadka Muqdisho ka carareen iyadoo dadka habeenkii dhaawaca noqda aan si deg deg ah Isbitaal loo geyn karin, waxaana taasi ugu wacan iyadoo waddooyinka loo maro Isbitaallada ay xireen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Qaar ka mid ah Dadka ku dhaqan Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa bilaabay in ay sameystaan ciidamo madani ah oo la dagaala kooxaha u so jiidaya in ay dhinaca Dowladda Federaalka uga yimaadaan madaafiic waa weyn, waxaana xaafadaha ilaa haatan sameystay ciidamada Madaniga ka mid ah Baar Ayaan, Xamar Bile, Xamar Jadiid, Gubta iyo xaafado kale oo ka tirsan Degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley, waxaana hubanti ah in ay dhamaan doonto dhibaatada ay abuurayaan kooxaha ku kacsan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, waase haddii ay Ciidamada Xaafadeedyadu ay noqdaan kuwo si daacad ah u shaqeeya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online