12.9 C
London
Saturday, October 18, 2025

Dadkii ugu badnaa maanta ka bara-kacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 20, 2007(HOL): Dadkii ugu badnaa ayaa maanta waxay ka bara-kaceen magaalada Muqdisho kadib markii xalay dushooda la isugu adeegsaday madaafiic aad u culus oo qaarkood ay ridayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya iyo kooxo ka soo horjeeda.

 

Dadka ka barakacay xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa waxay u jiheysteen deegaano ka tirsan Gobollada Shabeelooyinka, Hiiraan, Galgaduud, Mudug iyo Bay, halka ay jiraan dad diyaarado raacay oo dalka isaga baxay, si ay naftooda uga badbaadiyaan madaafiicda aan loo meel dayin ee habeenadii la isugu adeegsanayo Magaalada Muqdisho.

 

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelahada Hoose ayaa noqotay meesha u qaxeen dadka ugu badan ee ka bara-kacay Magaalada Muqdisho, waxaana xitaa lagu soo waramayaa in ay Degmada Afgooye gaareen dad aaney wax ehello ah u joogin Degmada Afgooye, kuwaasi oo iyaga iyo caruurtooda meelo banaan ah iskala fariistay joodariyaashii iyo darmooyinkii ay Muqdisho sida hal-haleelka ah uga qaateen.

 

Guryaha Degmada Afgooye ee la kireeyo ayaa qiimo koror ku yimid sabab la xiriirta in ay dad badan u qaxeen, waxaana la sheegayaa in Qolka Cariishka ah uu kirada bishii gaaray 200,000 Sh. So ah, halka Mudulkana uu gaaray 150,000 Sh. So, waxaana xusid mudan in aan si sahal ah lagu heleynin guryaha dhagaxa ah ee la kireeyo.

 

Dadka degan Degmada Afgooye ayaa waxay sheegayaan in xaaladda degmada Afgooye ay haatan la mid tahay xiligii ay dagaallada ka socdeen Magaalada Muqdisho horaantii sagaashamaadkii, waxaana sawirkaasi u soo baxay Dadka Degmada Afgooye kadib markii ay u qaxeen Dad badan oo ka cararay Madaafiicda ay Magaalada Muqdisho isugu adeegsanayaan Ciidamada Dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya iyo Kooxo ka soo horjeeda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).