Talaado,
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in aaney waxba ka jirin in ay Ciidamada Dowladda Federaalka madaafiic ku riday shacabka Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay madaafiicdaas shacabka ku rideen kooxo uu ku tilmaamay argagixiso.
Salaad Cali Jeelle waxaa uu sheegay in aysan shacabka kala garan karin meelaha madaafiicda looga soo rido, taasina ay aqoon u baahan tahay, balse ay garan karaan marka uu madfac ku soo dhinac dhaco ama uu meel ka fog ku dhaco, “Dowladda Federaalka ma heysto culeys ku kalifaya in ay madaafiic adeegsato, kooxaha wax ku soo tuur tuuurayana waa kuwo kotorobaan ah oo aan banaanka isa soo dhigi karin”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo caddeeyay in weerar xalay lagu qaaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federalka uu Askari kaga dhaawacmay, kaasi oo uu sheegay in uu dhaawaciisa fudud yahay.
Dad badan oo Muqdisho ku sugan ayaa ka soo horjeeda hadalka wasiir ku xigeenka, waxayna dadkani aamisan yihiin in aysan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka aysan qabin madaafiic culus oo hadana rido dheer leh, waxayna ka codsanayaan Dowladda Federaalka in ay madaafiicda ka deyso, isla markaana ay bar tilmaameedsato goobaha ay ku tuhmeyso kooxaha weerarada ku qaada.
Jen. Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ah Saraakiil dhinaca Ciidamada ah oo wax laga weydiiyay Madaafiicdii xalay lagu garaacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay Madaafiicdaas is-weydaarsadeen Ciidamada Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya iyo kooxo ka soo horjeeda, wuxuuna jananku sheegay in ay mas’uuliyadda dhibaatada shacabka soo gaareyso ay leeyihiin Kooxaha Shacabka madaafiicda ka dhex tuurta.
Jen. Galaal waxaa uu sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka ay heystaan qalab sheegi kara meelaha madaafiicda looga tuuro, kaasi oo u sahlaya in ay labo ilaa seddex daqiiqo ay ugu jawaabaan meeshii ay wax kaga soo dhaceen, sidaas darteedna wuxuu ugu baaqay kooxaha madaafiicda shacabka ka dhex tuuraya in ay joojiyaan, bacdamaa ay dhibaatadu soo gaareyso dadka rayidka ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online