12.9 C
London
Saturday, October 18, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Ingiriiska

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 20, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa magaalada London ee dalka Britain wuxuu kulan kula qaatay Ra’iisal Wasaaraha Dalkaas Mr. Tony Blair, kaasi oo ay isla soo qaadeen Arrimaha Dalka Soomaaliya.

 

Labada mas’uul oo wada qaatay kulan ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha dalka Soomaaliya iyo weliba sida ay Dowladda Britain gacan u siin karto Dowladda Federaalka Soomaaliya oo haatan dadaal xooggan ugu jirta sidii ay u soo celin lahayd sharcigii iyo kala dambeyntii ka jiri jirtay Soomaaliya.

 

Diiriye Jaamac Geelle oo ka mid ah Mas’uuliyiin Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku soo dhaweeyay Dalka Britain ayaa Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho u sheegay in ay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Blair ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo sida ay Dowladda Britain uga qeyb-qaadan lahayd dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in uu Ra’iisal Wasaare Blair ballanqaaday in ay Xukuumaddiisa caawin doonto Soomaaliya.

 

Kulankaasi kadib ayuu Diiriye Jaamac sheegay in uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf kulan kale la qaatay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Blair, kuwaasi oo uu ka xusay Wasiirrada Horumarinta iyo Deeqaha, Arrimaha Gudaha iyo Sharciga iyo Dib u dhiska, wuxuuna tilmaamay in ay kulamadaas is-af-garad ku dhamaadeen.

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa la filayaa marka uu dhameysto socdaalka shaqo ee uu ku joogo magaalada London in uu horay u soo maro Isbitaal uu sanadkiiba mar booqan jiray oo isla magaalada London ku yaala, kaasi oo lagu hubin jiray caafimaadkiisa, iyadoo kadibna uu madaxweynaha dib ugu laaban doono Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).