12.9 C
London
Saturday, October 18, 2025

Dadka Muqdisho oo xalay aan ka seexan daryanka Madaafiic waa weyn oo lagu duqeynayay Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, February 20, 2007(HOL): Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay madaafiic xooggan waxay ku garaaceen xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxayna duqeyntaas geysteen dhimashada 10 ruux iyo dhaawac ka badan 40 ruux.

 

Duqeynta ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka u geysteen Xaafadahaas ayaa waxay jawaab u ahayd gantaalo ay kooxo hubeysan oo aan la garaneynin ay ku rideen fariisimo ay ciidamadaas ku sugnaayeen

 

Ilaa 8 ruux ayaa ku geeriyooday madaafiic xalay 8-dii habeenimo iyo 2-dii habeenimo lagu garaacay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana xaafadaha ay dadka ku dhinteen ka mid ah African Village, Bakaaraha qeybta Qudaarta, Xaafadda Xamar Jadiid, Xamar Bile, Suuqa Siinaay, Towfiiq iyo Xaafaddda Dal Bile ee u dhow xarunta Villa Somalia.

 

Marka laga soo tago dadka dhintay waxaa ku dhaawacmay duqeyntii xalay dad 40 ruux ka badan kuwaasi oo 20 ka mid ah dhaawacooda la geeyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho. Waxaa uur ku taalo leh qofkii dhintay waaba dhintaye in dadka habeenkii dhaawaca noqda aan loo qaadi karin Isbitaal iyadoo taasina ay ugu wacan tahay waddooyinka loo maro Isbitaallada oo ay xireen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo  kuwa Itoobiyaanka, taasina waxay keentay in ay dadka dhaawacma qaarkood ay guryahooda ugu geeriyoodaan dhiig-bax soo gaara.

 

Dadka Muqdisho xalay ma seexan wixii ka dambeeyay 2-dii habeenimo, xiligaasi oo ay hurdada ka toosiyeen Madaafiic waa weyn oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ay uga jawaabayeen madaafiic ay kooxo la baxay Muqaawamada Shacabka ku tuureen fariisimadooda.

 

Dadka Muqdisho xalay xaalkooda aad ayuu u walaacsanaa, waxaana xaafadaha qaarkood laga maqlayay caruur iyo dad waa weyn oo is-heyn waayay, kuwaasi oo oynaya sabab la xiriirta qarancanka ay ka qaadeen madaafiicda waa weyn ee ku dhacaysa xaafadaha Magaalada Muqdisho qaarkood.

 

Duqeyntii xalay ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo dowladda Federaalka ay dhawaan sameysay Ciidamo ay ku magacawday Ciidamada Gurmadka deg dega ah, iyadoo sidoo kalena ay xaafadaha Muqdisho qaarkood sameysteen Ciidamo Madani ah oo la dagaalama kooxaha dhexdooda ka weerara fariisimada Dowladda, hayeeshee waxaad mooddaa in aan weli wax laga qaban kooxaha dadka rayidka ah madaafiicda ka dhex tuuraya kadibna sababaya in halkii ay wax ka tuureen lagu soo rido madfac weyn oo waxyeello ay ka soo gaarto dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).