11.8 C
London
Tuesday, October 14, 2025

Kulan looga hadlayay Mideynta Bulshada Gobolka Hiiraan oo Magaalada Beledweyne lagu qabtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, February 02, 2007(HOL): Kulanka oo ahaa mid marka dhan laga eego xasaasi ah ayaa waxaa ka soo qeyb-galay qeybaha kala duwan ee bulshada  sida Aqoonyahanada  Odayaashada, Dhaqanka iyo waliba Ururada Haweeynka  oo dhamaantood si saraaxad leh uga qeyb qaatay dooda siyaabo kala duwan looga hadlay.

 

Qodobka dooda oo ahaa  in laga wada hadlo sidii loo midey lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Hiiraan oo  iyagu soo maray sanado jahwareer iyo colaado u saaxiib ah ayaa dhinacyadii ka hadlay waxaa ay marka hore ka doodeen in waqtigan ay suurta gal-tahay iyo in kale  dib u hishiisiin laga hirgaliyo gobalka oo idil si markaa loo gaaro midnimo iyo waliba in bulshadu noqoto kuwo isku calool furan.

 

Arinta dib u hishiisiinta oo la bar bardhigayo balaarin lagu sameeyo gobalka hiiraan ayaa aheyd dood si weyn u hareeysay ka qeyb-galayaashii kulanka,  siyaabo kala duwan uga hadlay sida loo balaarin karo gobalka iyo waliba cida looga baahan yahay  in ay qabato dib u hishiisiin dhax-marta qeybaha bulshada oo idil.

 

Cabdi C/laahi Karar oo ah madaxa sharci yaqaanada gobolka Hiiraan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dhinaciisa uu soo jeedinaya in la balaariyo gobalka iyadoo loo marayo ayuu yiri marka hore daraasaad lagu sameeyo  tirada saxda ah ee ku nool qeybaha kala duwan ee gobalka, waxaana uu intaa ku daray in si looga gun-gaaro yoolka la higsanayo loo baahan yahay in la joogteeyo kulamada arintan ku saabsan, isaga oo dhanka kalana soo jeediyay  Qodobo sida uu sheegay saldhig u noqon kara arimaha la xiriira baraalinta iyo waliba daraasaadka oo kala ah ayuu yiri”  In marka hore la ogaado lana baaro dhibaatada jirta, Gudi loo saaro in ay ka soo baaraan dagaan caqabadaha bulshada dhaxdeeda ah, iyo waliba in arintaa marka hore ay ka soo fusho dowlada federaalka.

 

Dooda ah in arimuhu ka soo fulaan dhinaca dowlada federaalka ayaa mid ka duwan waxaa halkaa ka soo jeediyay Gudoomiyaha  Madaxa xarunta Xuquuda Aadanaha ee Xaq-dhowr Max’ed Caraay C/dule oo sheegay in midnimada gobalku tahay waajib muqdas ah, waxaana uu intaa ku daray in la qabto shirweyne lagu ilaalinayo midnimada iyo walliba isku xirnaanta bulshada gobalka  kaasoo ay soo qaban qaabiyaan  Ugaasyada iyo waliba odayaasha dhaqanka oo ah ayuu yiri kuwa ay ka go’do talada ugu danbeysa waxaana meesha uu ka saaray in arimaha loo daayo dowlada oo kaliya, waxaa kaloo uu intaa ku daray in shirweynahaa la qabto uu noqdo mid laysku cafiyo kadib shacabku soo doorto maamul loo dhan yahay si loo ilaaliyo Xuquuda Aadanaha.

 

Fikirka Gudoomiyaha Ururka xuquuqda Aadanaha ayaa mid la mid ah waxaa halkaa ka soo jeediyay Max’ed Abuukar Keynaan oo ka mid ahaa aqoonyahanadii madasha ka qeyb-gashay, waxaana uu sheegay in la abaabulo shir looga wada hadlayo Qorshayaasha gobalka oo idil, isagoo intaa ku daray in marka la qabto shirkaa ka dib la saaro  gudi ka soo baaraan daga wax ka qabashada baahiyaha jira taasoo ay fulinayaa dadka gobalka, maadaama ayuu yiri aan la hubin sii jiritaanka dowlada.

 

C/shakuur Abuukar oo ah madax  UN ugu qeybsan gobolka arimaha nabad-galyada oo ka mid ahaa ka qeyb-galayaashii kulanka ayaa sheegay in uusan jirin xiligan wax farqi ah oo u dhaxeeya bulshada gobalka, lakiin waxaa uu farta ku fiiqay in ay jiraan arimo yar yar oo ka timid ayuu yiri cadaalad daro bilaabatay  1960 , isagoo intaa raaciyay in si loo dhameeyo cadaalad daradaa jirta la raaco  ugu horeytii dhisamha  Awood qeybsi cadaalad ku dhisan iyo waliba in xilka loo dhiibo cida mudan meeshana laga saaro  koox ama nin jecleysi.

 

Inkastoo ka qeyb-galayaashu ku kala duwanaayeen halka loo marayo  dib u hishiisiinta ayaa qeybihii sida weyn ugu dooday in taladu ka timaado  dhinaca dowlada waxaa ka mid ahaa AV. Yuusuf Xaaji Cilimi oo sheegay in xitaa waqtiga dowladdu awood u leeday in joojiso qabashda kulamo aysan ka warheyn.

 

Madaxa Xarunta cilmi baarista iyo wada tashiga CRD ee gobalka Hiiraan Eng. Max’ed Xasan Kulmiye ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga gol lahaa in la helo maamul dhismo bulshadu isku raacsan tahay in arimaha laga soo bilaabayo, waxaana uu intaa ku daray in si taa loo gaaro hay’adu ay xooga saareyso marka hore in la qabto doodaha ceynkan oo kale ah  bal si marka hore loo ogaado ilaa heer biselka bulshadu u qabto maamul gunta hoose laga soo dhiso uu gaarsiisan yahay, isagoo intaa sii raaciyay in mar walba arinta oo dhan laga horeysiinayo dib u hishiisiinta.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).