Isniin, February 19, 2007(HOL): Kooxihii Muqaawamada ahaa ee ka soo horjeeday ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa mar kale caawa is-weeraray madaafiic waa weyn oo laga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa waxay madaafiic ku weerareen Isbitaalka Digfeer iyo Xaruntii Wasaaraddii Gaashaandhigga oo beryahan oo fariisin u ahayd Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, waxaana kadib la sheegay in ay labadaas goobood ay ka soo dhaceen madaafiic jawaab ah oo ku dhacay xaafadaha Kaasa-bolbolaare iyo Al-Baraka ee Degmada Hodan, walow warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in uu madfac kale oo habow ah uu ku dhacay Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley.
Ilaa 4 ruux ayaa la sheegay in ku geeriyoodeen madaafiicda ku dhacday Xaafadaha Degmada Hodan ka tirsan, waxaana sidoo kale jira dad ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo Isbitaallada loola cararay.
Labadii habeen ee ugu dambeysay magaalada Muqdisho wax weerarro ah kama jirin, dadkana si nabadgelyo ah ayay u hurdeen, hayeeshee caawa ayaa waxaa mar kale u bilowday madaafiicdii ay isku ridayeen kooxaha Muqaawamada Shacabka la baxay iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee kaalinaya.\
Wixii ku soo kordha Warkan kala soco Hiiraan Online Haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia