Isniin, February 19, 2007(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo maanta shir guddoominayay kulan ay magaalada Baydhabo ku yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa wuxuu xildhibaanada Baarlamaanka u soo jeediyay in la bedelo Xildhibaano dhowr ah oo uu sheegay in ay si sharci darro ah uga maqan yihiin Fadhiyada Baarlamaanka.
Xildhibaano ay ka mid yihiin Shariif Xasan Shiikh Aadan, Cumar Xaashi Aadan, Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Axmed Cumar Jees, Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, Maxamed Cabdi Yuusuf, Maxamed Xasan Daryeel, C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi, Fowsiyo Maxamed Shiikh iyo kuwo kale oo dhowr iyo afartan Mudane gaaraya ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka sheegay in ay si sharci darro ah uga maqan yihiin fadhiyada Baarlamaanka, wuxuuna Mudanayaasha Baarlamaanka uu u soo jeediyay in xilalkooda lagu bedelo xubno kale oo ay isku heyb yihiin.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in ay maalmihii ugu dambeeyay soo gaarayeen codsiyo uga imaanayay Beelaha Soomaaliyeed ee ay Xildhibaanadaas ka soo jeedaan, wuxuuna sheegay in ay Beelahaas ka codsanayeen in ay buuxiyaan xilalka ay Baarlamaanka ka hayaan Xildhibaanada maqan.
Xildhibaano dhowr iyo labaatan Mudane gaaraya oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa haatan waxay ku sugan yihiin Dalka Jabuuti, iyagoo ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiyaanka ee dalka Soomaaliya iyo weliba siyaasadaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi. Xildhibaanadan ayaa waxay dalka Jabuuti gaareen kadib markii ay Dowladda
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com