11.8 C
London
Saturday, October 18, 2025

Waaxda Nabad-sugidda Qaranka oo shuruudo ay ku shaqeynayaan soo hordhigtay Seddex Idaacadood oo Muqdisho ka howl-gala

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, February 19, 2007(HOL): Waaxda Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa shuruudo ay ku shaqeynayaan waxay soo hordhigtay ilaa seddex Idaacadood oo Magaalada Muqdisho ku yaala, waxayna Idaacadahaas kala yihiin Horn Afrik, Shabeelle iyo Banaadir.

 

Taliye ku xigeenka Waaxda Nabad-sugidda Qaranka Nuur Maxamed Maxamuud (Nuur Shirbow) oo kulan la qaatay wakiillo ka socday seddexdan Idaacadood ayaa wuxuu ugu horeyn ku eedeeyay Idaacadahan in ay buun buuniyaan kooxaha falalka nabadgelyo darrada ah ka wada magaalada Muqdisho, isla markaana ay wareysiyo ka qaadaan dad sheegaya in dhinaca Dowladda ay madaafiic uga soo dhaceen, iyagoo aan sheegeynin madaafiicdii Dowladda lagu tuuray.

 

Dood kadib ayaa seddexdan Idaacadood waxaa lagu xiray in ay shaqeeyaan shuruudo ay ka mid yihiin in aaney sheegi karin howlgallada Ciidamada Dowladda Federaalka, sidoo kalena aysan tebin warar lid ku ah Dowladda Federaalka. Mas’uuliyiinta seddexdan Idaacadood ee kulanka la qaaday saraakiisha Nabad-sugidda Qaranka ayaa lagu wargeliyay in loo diri doono wakiillo tifaftira wararka ay sii deynayaan.

 

Waaxda Nabad-sugidda Qaranka ayaa  horay waxay  Idaacadaha Horn Afrik, Shabeelle, Qur’aanka Kariimka iyo Xafiiska Al-Jaziira ee Magaalada Muqdisho ugu soo rogtay amar ay shaqada uga joojineyso, waxayse Idaacadahaas iyo Xafiiska Al-Jaziira ee Muqdisho dib hawada ugu soo noqdeen kadib markii ay wada hadallo yeesheen Mas’uuuliyiin ka socotay Waaxada Nabad-sugidda iyo kuwo ka socday Hay’adahaas Warfaafineed.

 

Waaxda Nabad-sugidda Qaranka oo aanu weli Golaha Baarlamaanka ansixinin sharicga ay ku howlgeleyso ayay tahay markii labaad oo ay u yeerto Idaacado ka howlgala Magaalada Muqdisho, iyadoo ku eedeyneysa in ay tebiyeen warar aan la jaan-qaadi karin xaaladda deg dega ah ee ay Dowladda Federaalka ku soo rogtay Dalka Soomaaliya, gaar ahaana Caasimadda Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).