Isniin, February 19, 2007(HOL): Seddex qofood ayaa xalay lagu dhaawacy agagaarka xaruntii Xisbiga ee ku dhow Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium kadib markii ay is-rasaaseeyeen Ciidamada nabadgelyada deegaankaas iyo kooxo burcad ahaa oo doonayay in ay halkaas ka geystaan falal nabadgelyo darro ah.
Seddexda qofood ee dhaawacantay oo ahaa Ciidamadii Nabadgelyada deegaanka sugayay ayaa waxaa dhaawacyadooda loo qaaday Isbitaallada Magaalada Muqdisho kadib markii ay u gurmadeen dadka Deegaanka.
Shalay galabnimadiina isku dhac dhexmaray maleeshiyooyin ku sugnaa Isgoyska Black Sea ee magaalada Magaalada muqdisho iyo Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxaa ka dhashay dhimashada seddex ruux, sidoo kalena Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa lagu dilay nawaaxiga Ceymiska ee Wadada Warshadaha, halka gaari ku qarxay nawaaxiga Garoonka Kubadda Cagta Muqdisho Stadium ay ku geeriyoodeen afar ruux, iyadoo marka la isu geeyo tirada dadka Muqdisho ku geeriyooday 24-kii saac ee aynu ka soo gudubnay ay noqoneyso 8 ruux.
Dhanka kalena, Dad ku dhaqan nawaaxiga
Tiyaartii Muqdisho ayaa waxay ka cabanayaan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo halkaasi ka wada olole ka dhan ah Haweenka Indho shareerka wata.
Leylo C/raxmaan oo ka mid ah Haween laga tuuray Indho Shareer ay wateen ayaa waxay sheegtay in iyada iyo walaasheed oo indho Shareer qaba laga dejiyay gaari ay saarnaayeen oo Xamarweyne ku sii jeeday, kadibna lagu amray in ay indho shareerka iska furaan, waxayna falkaas lagula kacay ay ku tilmaantay mid aan wanaagsaneyn.
Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Deegaanada u dhow Fariisimada Dowladda Federaalka ayaa waxay wadaan baaritaanno xooggan oo ay ku hayaan dadka iyo Gaadiidka isticmaala waddooyinka u dhow xarumahaas, waxaana sababta ay baaritaanada u sameynayaan lagu sheegay iyagoo ka baqaya in ay dadka ugu soo dhex dhuuntaan kooxo doonaya in ay waxyeello u geystaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online