Axad, Febraayo 18, 2007(HOL): Madaxweyne ku xigeenka Dalka Yemen Abdu Rabu Mansour Hadi iyo Madaxweynaha Dowladda Itoobiya Girma Woldegiorgis oo booqasho ku jooga dalka
Labadan mas’uuliyiin ayaa waxay isla soo qaadeen sidii looga shaqeyn lahaa xasilooni ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya oo ay sheegeen in nabad ka dhalata ay dan ugu weyn ugu jirto labada dal ee Yemen iyo Itoobiya, wuxuuna madaxweynaha Itoobiya uu sheegay in loo baahan yahay in ay labada dal si wadajir ah uga shaqeeyaan soo celinta nabadgelyadii iyo xasiloonidii Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Yemen Abdu Rabu Mansour Hadi ayaa sheegay in xal u helidda mushkiladda dalka Soomaaliya looga hadli doono shir ay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku yeelan doonaan madaxda dalalka ku bahoobay Isbaheysiga Sanca kaasi oo ay Soomaaliya xubin ka tahay.
Intaas kadib waxay labada mas’uul ka wada hadleen arrimo ku saabsan kobcinta dhaqaalaha labada dal iyo weliba xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya, wuxuuna madaxweynaha Itoobiya Mr. Girma Woldegiorgis uu uga mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo shacabka
Dowladaha Yemen iyo Itoobiya ayaa si muuqata waxay ugu lug leeyihiin arrimaha Dalka Soomaaliya, waxayna Dowladda Yemen taageero Mileteri horay u siisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka Dowladda Itoobiya ay iyaduna haatan Ciidamo ku taageereyso Dowladda Federaalka si ay gacanta ugu dhigto guud ahaan Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online