Axad, Febraayo 18, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay sameysay Hay’ad qaabilsan wax u qabashada dadka laga saaray Xarumihii Dowladda, kuwaasi oo maalmahan ka cabanayay hoy la’aan la soo deristay.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka u sameysay dadka laga saaray Xarumihii Dowladda Hay’ad la yiraahdo Hay’adda Qaxootiga Qaranka, taasi oo ay kala xiriiri karaan Xafiis ay Magaalada Muqdisho ku leedahay.
Salaad Cali Jeelle waxaa uu sheegay in ay Dowladda Federaalka lagama maarmaan u aragtay in ay degto xarumihii Dowladda, wuxuuna caddeeyay in amarka lagu baneynayo xarumihii Dowladda ay bixiyeen mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka.
Hadalkan ay soo saartay Dowladda Federaalka ee ku wajahan wax u qabashada dadkii laga saaray Xarumihii Dowladda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii dorraad ahayd qoysas badan laga saaray Xarunta Wasaraddii Gaashaandhigga, kuwaasi oo halkaasi deganaa mudadii dhowr iyo tobanka sano ahayd ee aynu ka soo gudubnay.
Dhanka kalena, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga waxaa uu ammaan u jeediyay Ciidamada Madaniga Xaafadaha Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu sheegay in ay wax weyn ka bedeleen ammaanka xaafadahooda, wuxuuna ugu baaqay in ay sii wadaan howlgallada ay ku guda jiraan ee nabad-sugidda ah.
“Waxaan dadweynaha ku wacyigelinay in ay ka hortagaan kooxaha nabadgelyo darrada ka dambeeya oo aysan u ogolaanin in ay dhexdooda wax ka tuuraan, kadibna ay dadka rayidka ah soo gaarto dhibaato, haatanna weyn is-fahmeen Ciidamada Nabadgelyada xaafadaha iyo kuwa Dowladda Federaalka, wax weyn ayayna ka qaban karaan nabadgelyada Muqdisho”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online