Axad, Febraayo 18, 2007(HOL): Dowladda
“Waa Ballanqaad aan sameynay in aan ciidamo u dirno Soomaaliya, hayeeshee ilaa iyo haatan waxaa na heysata dhibaato dhinaca qalabka ah”ayuu yiri Gen. Germain Niyoyankana oo intaas ku sii daray in ay 23-ka bishan Magaalada Muqdisho booqan doonaan saraakiil Xaqiiqo raadin ah oo ka socda Mileteriga Burundi, kuwaasi oo u kuurgeli doona xaaladda Caasimadda Muqdisho iyo sida ay Ciidamada Burundi uga howlgeli karaan.
Inta uusan dhamaanin todobaadkan ayaa lagu wadaa in ay Ciidamo ka socda Dowladda Uganda oo tiradoodu gaareyso 1,500 oo Askari ay gaaraan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho, iyadoo la sheegayo in Ciidamada ka imaanaya dalka Uganda ay yihiin kuwo la soo baray Afka iyo Dhaqanka Soomaalida.
Ilaa iyo haatan waxaa caddeeyay in ay Ciidamo tiradoodu cayiman tahay u dirayaan Soomaaliya Dalalka Uganda iyo Burundi, waxaana weli maqan ciidamo kale oo laga sugayay dalal kale oo Afrikaan ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Nigeria, Malawi iyo Ghana, walow ay jiraan dalal ka tirsan Midowga Afrika oo caddeeyay in aysan Soomaaliya u direynin Ciidamo, balse ay siyaabo kale uga qeybqaadan doonaan howlgalka nabad-sugidda ah ee laga sameynayo Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com