11.8 C
London
Saturday, October 18, 2025

Shirkii Dib-u-heshiisiinta Beelihii ku dagaalamay Gobollada Galgaduud iyo Mudug oo meel wanaagsan maraya

- Advertisement -spot_imgspot_img


Axad, Febraayo 18, 2007(HOL): Shirka magaalada Cadaado uga socda Waxgaradka Beelaha Sacad iyo Saleebaan oo ay ka qeyb-galayaan Ergo ka kor u sii dhaafeysa Ilaa 200 oo ka kala timid Gobollada Gal-gaduud iyo Mudug iyo waliba xitaa magaalada Muqdisho ayaa wararka ka soo baxaya waxaa ay sheegayaan in hada uu meel wanaagsan marayo, isla markaana dhinacyada ka qeyb-qaadanaya ay xooga saarayaan sidii dhamaanba loo soo af-jari lahaa colaaddii kala gaartay labada dhinac meeshana looga saari lahaa wax kasta oo keeni kara in mar kale beeluhu is-qoomaan.

Gogosha shirka oo ay dhigtay Xarunta Cilmi Baarista iyo wada-tashiga CRD ayaa Madaxa Gobalada Dhaxe ee Xaruntaasi waxaa uu u sheeegay HOL oo la xiriitay in ilaa hadda aysan jirin wax caqabad ah oo ka hor imanaya habsami u socodka howlaha shirka, Eng. Max’ed Xasan Kulmiye waxaa uu intaas ku daray in Ergada labada dhinac ee kulanka in ay xoogga saarayaan sidii looga gudbi lahaa dhamaaanba qodobada laga wada hadlayo si markaas looga fogaado in qodobada qaar ay dib u dhigaan heshiis buuxa oo la gaaro, dhanka kale waxaa Eng Kulmiye uu intaa ku sii daray marka la eego sida hadda howluhu u socdaan la oran karo waa kuwo soo da’dajin kara in mar danbe aysan dib u soo laaban colaada labada beelood.

Shirka Cadaado uga socda wax-garadka labada Beelood oo ah mid daba jooga waan waan horay ay u dhax-dhigeen labada garab Xildhibaanada ka soo jeeda labada Gobol ayaa qodobada ugu waa weyn ee ilaa hada laga wada hadlayo isla markaana miiska saaran yihiin, Dadkii ku dhitay Dagaaladii dhaxmaray labada dhinac, Isku celinta hantida la kala heysto, iyo waliba sidii loo wadaagi lahaa deegaanka oo marka dhan laga eego ah tan mar walba soo cel-celisa dagaalada dhex mara beelaha,

Sida ay ku waramayaan Howl-wadeenada shirka ka socda Cadaado ka hadalka Qodobada ilaa hada horyaala shirka ayay Ergadu u arkayaan kuwo aan dhib badneyn, waayo dhinacyada colaaddu kala gaaratay oo ah kuwo si naba aan u kala maarmin isla markaana ood wadaag ah, taasoo meesha ka saareysa sharuudo labada dhinac ay ku xiraan ka hadalka qodobada hor yaala,.

Gogasha labada beelood oo ah tii ugu dambeysay ee la doonayo in lagu soo afjaro colaadda beelaha ku dagaalamay Gobollada dhaxe ayaan wax saameyn ah ku yeelan sida wararku sheegayaan eedeynta Waxgarad ka tirsan garabyada wada hadlaya ay u soo jeediyeen Xarunta CRD, iyadoo loo arko eedeyntaasi mid looga gol-leeyahay oo kaliya in wax lagu wanaajiyo balse aysan aheyn mid wax lagu bur burinayo sida ay qabaan wax-garadka ka soo jeeda dhinaca eedeyntu ka timid ee ku sugan madasha shirka.

Dhinaca nabad-galyada ayaa shirka aad loo adkeynayaa in uu socdo iyadoo ay halkaas ku sugan yihiin saraakiil ka tirsan Dowlada Federaalka oo uu hor kacayo Gen. Careys oo hadal uu ka jeediyay shirka labada beelood ku sheegay in dagaal mar kale la hor-seedo uusan wax faa’iido ah u laheyn bulshada soomaaliyeed, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay labada beelood oo dagaal dhax mara uu ku tilmaamay in uu sameyn xun yeelan karo maadaama ay yihiin kuwo hal guri ku wada nool.

Lama oga ilaa hada goorta ugu dambeysa ee shirka la soo gaba-gabeynayo, Walow mas’uuliyiinta Xarunta Cilmi Baarista ee CRD ay sheegayaan in maal maha soo socda guul wax ku ool ah la gaari doono, dadka ku nool degmada Cadaado ee uu shirku ka socdo ayaa si weyn ugu dhuun daloola natiijooyinka ka soo baxi kara shirkaasi, waxaana madasha shirka lagu arkayaan sida uu sheegay Eng. Kulmiye haween ka tirsan labada beelood oo u heelan in mar uun la soo gabo-gabeeyo colaado oo ah ayay leeyihiin haweenku mid dhinac kasta iyaga sameyn ku leh.

Dagaalada Gobalada dhexe ayaa intii ay socdeen waxaa ka dhashay khaasaaro dhinac walba leh, waxaana colaadda labada beelood ay gaartay in xitaa la dilo dad samo-doonno ah oo u socday sidii loo dhameyn lahaa waxyaabaha labada dhinac ay kala tirsanayaan, waxaana xusid mudan in marar badan lagu guul dareystay isku dayo lagu waday in lagu hishiisiiyo labada beelood, laakiin kan hada ayaa la oran karaa waa mid maro wanaagsan ay ka soo bixi karaan.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).