11.8 C
London
Saturday, October 18, 2025

Maanta oo kale sanad ka hor Muqdisho maxaa ka dhacay?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, Febraayo 18, 2007(HOL): Maanta oo kale sanadkii hore (18/02/2006) Magaalada Muqdisho waxay ahayd mid uu ka socday dagaal u dhaxeeyay Ciidamo kala taageerayay Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho iyo Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda Bilood ah ka talinayay Dalka Soomaaliya.

Dagaalkaas wuxuu bilow u ahaa dagaallo xiriir ahaa oo Magaalada Muqdisho ka dhacay intii u dhaxeysay bilihii Febraayo ilaa June, waxaana dagaalkaas looga itaal roonaaday Hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho oo maalintaas ku dhawaaqay Isbaheysi la baxay La-dagaalanka Argagixisada iyo soo celinta Nabadda, kaasi oo ay ku mideysnaayeen Hoggaamiyayaal ay ka mid yihiin Maxamed Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), Maxamed Cumar Xabbeeb (Maxamed Dheere), Bashiir Raage Shiiraar, Bootaan Ciise Caalin, Cabdi Nuurre Siyaad, C/rashiid Shire Ilqeyte, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Cabdi Shukri Cali Xirsi iyo Ciise Cusmaan.

Hoggaamiyayaashan markii ay ku dhawaaqeen Isbaheysigan waxaa ay mucaaraddo xooggan kala kulmeen oo dagaal kala hortegay Hoggaamiye Diimeedyo ay ka mid yihiin Shiikh Xasan Daahir Aweys, Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo kuwo kale oo la shaqeynayay, wuxuuna dagaalkooda uu noqday mid banaanka u soo saaray awood qarsooneyd oo ay Maxkamadihii Islaamka ku lahaayeen Magaalada Muqdisho.

Sababta ugu weyn ee keentay in ay wiiqantay awooddii Hoggaamiye Kooxeedyada ayaa waxay ahayd iyagoo sameysan waayay hoggaan ay ku kala dambeeyaan, iyadoo kadibna hoggaamiye kasta xaruntiisa lagu weeraray, lagana qabsaday.

Sida dad badani aaminsan yihiin Hoggaamiyayaashii Maxkamadaha waxay jebinta awooddii Hoggaamiye Kooxeedyada u adeegsadeen taageerayaal ay Muqdisho ku lahaayeen oo ay ka dhaadhiciyeen in ay Hoggaamiyayaasha ku dhawaaqay Isbaheyisga La-dagaalanka Argagixisada ay yihiin kuwo gaalo ah oo Diinta Islaamka ka baxay, isla markaana ay waajib tahay in lagu jihaado.

Dagaalkaasi dhexmaray Maxkamadihii Islaamka iyo Hoggaamiyayaashii Muqdisho wuxuu soo af-jarmay horaantii bishii June 2006, xiligaasoo magaalada Muqdisho ay u gacan gashay xoogaggii Maxkamadihii Islaamka, kadibna waxay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay ka hirgeliyeen nabadgelyo awood ku timid.

Laakin lix bilood kadib maxaa dhacay?, waxaa dhacday in awooddii Maxkamadihii Islaamka markeeda la wiiqo, iyadoo loo aaneynayo qaar ka mid ah Mas’uuliyiintii Maxkamadihii Islaamka oo u shaqeynayay qaab aan daacad ahayn, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay mas’uuliyiintii Maxkamadihii Islaamka aad u xadreeyeen, isla markaana ay bilaabeen in ay qaab handadaad ah kula wareegaan gobollo aaney horay uga talin jirin Maxkamadihii Islaamka.

Orodkaas xad-dhaafka ah ee ay sameeyeen Maxkamadihii Islaamka waxaa uu keenay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u yeerato Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka difaaca xoogaggii Maxkamadihii Islaamka oo aad ugu dhawaaday fariisinka KMG ah ee Dowladda Federaalka ee magaalada Baydhabo, ilaa ugu dambeynta ay Ciidamada Itoobiyaanka ceyrsadaan inta badan Mas’uuliyiintii iyo Xoogaggii Maxkamadihii Islaamka.

Haatan ma shaqeynayo maamulkii Maxkamadihii Islaamka oo deegaanadii ay ka talinayeen waa isaga carareen, hayeeshee waxaa deegaanadii ay ka talinayeen, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho ka bilwoday weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, kuwaasi oo lala beegsanayo xarumaha iyo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka, iyadoo weerarradaasina ay ka dambeeyaan kooxo la baxay Muqaawamada Shacabka.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 18ka Febraayo 2007 waxay ku beegan tahay maalintii ay Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho ku dhawaaqeen Isbaheysigii La-dagaalanka Argagixisada, kaasi oo keenay is-bedelka weyn ee ka dhacay Koofurta Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).