12.4 C
London
Friday, October 17, 2025

Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo warsaxaafadeed ka soo saaray Nairobi

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, February 17, 2007(HOL): Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo dhawaan laga sii dayay xabsi ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii lagu eedeeyay in uu si sharci darro ah ku galay dalka Kenya ayaa maanta wuxuu soo saaray warsaxaafadeed ku socday Shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka, Dowladda Itoobiya, Madaxweynaha Jabuuti iyo Beesha Caalamka.

Warsaxaafadeedka uu soo saaray Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa wuxuu ku sheegay in uusan weligiis ka mid noqon Urur Diimeed, balse uu ahaa nin ay ku weyn tahay Diinta Islaamka iyo dhowrista sharafta iyo karaamada Umadda Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu ku sheegay warsaxaafadeedkiisa in ay dhibaato weyn ku habsatay Umadda Soomaaliyeed, isla markaana ay burburtay Nabad iyo xasilooni ay heleen.

Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo 72 sano jir ah ayaa wuxuu baaq u diray Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu codsaday in ay ka shaqeyso sidii Soomaaliya nabad iyo dib u heshiisiin loogu soo dabaali lahaa, si ay dadka Soomaaliyeed dhibaatada uga baxaan, isla markaana ay u taageeraan.

Mar uu ka hadlayay arrimaha Dib u heshiisiinta Soomaalidana wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle in uu mar kale qaban qaabiyo shir dib u heshiisiineed oo ay ka qeybgalaan dhamaan dadka Soomaaliyeed ee ay wax kala gaareen, isagoo Beesha Caalamkana ka codsaday in ay isugu tagaan wax ka qabasahda xaaladda murugsan ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya ayuu ugu baaqay in ay Ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, isla markaana ay duqeynta ka daayaan shacabka Soomaaliyeed oo uu carrabka ku dhuftay in ay ka soo daaleen colaado, abaaro iyo fatahaado ay geysteen Webiyada Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa dhawaan laga sii daayay Maxkamad ku taala Dalka Kenya, iyadoo loo heystay in uu si sharci darro ah ku galay dalkaas, isla markaana uu xiriir la lahaa Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay deegaano ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu,Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).