12.4 C
London
Friday, October 17, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo u amba baxay Dalka Ingiriiska

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, February 17, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in uu madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ka dhoofay halkaas, isagoo ku sii jeeda Magaalada London ee Dalka Ingiriiska.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan, waxayna wararka qaarkood sheegayaan in uu madaxweynaha u aaday Dalka Ingiriiska arrimo caafimaad, halka warar kalena ay sheegayaan in uu Madaxweynaha ku tegayo dalka Ingiriiska martiqaad uu ka helay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Ingiriiska.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta ka qeybgalay kulan ay Xildhibaanada Baarlamaanka ku yeesheen Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ka sheegay in uu muddo todobaad ah ku maqnaan doono dalka Ingiriiska, mudadaasna uu xilkiisa sii heyn doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe.

Wuxuu ka hadlay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf arrimaha shirka dib u heshiisiinta ah ee ay Dowladda Federaalka ku baaqday, wuxuuna sheegay in shirkaasi uu noqon doono mid loo qabanayo Qabaa’illadii is-dilay ee Soomaalida, wuxuuna meesha ka saaray in shirkaasi uu yahay mid ay isku soo horfariisanayaan Dowladda Federaalka iyo Ururro Siyaasadeed oo ka soo horjeeda.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu sanadkiiba mar arrimo caafimaad u tegi jiray Dalka Ingiriiska, halkaasi oo uu ku yaalo Isbitaal looga bedelay Beerka, sida uu Madaxweynaha qudhiisa horay u sheegay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu,Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).