12.4 C
London
Friday, October 17, 2025

Aqoon isweydaarsi looga hadlayay sida ay isugu xirmi karaan Ururada Bulshada Rayidka ee ku nool Gudaha iyo Dibadda Soomaaliya oo lagu qabtay Dalka Norway

- Advertisement -spot_imgspot_img


Sabti, Febraayo 17, 2007(HOL): Aqoon is weydaarsigan oo looga hadlayey habka ugu haboon ee ay isugu xirmi karaan Ururada bulshada rayidka ah ee ka shaqeeya gudaha soomaaliya iyo kuwa qurbaha ku nool ayna soo abuubuleen Xarunta cilmi baarista iyo wadatashiga soomaliyeed oo xarunteedu tahay magaalada muqdisho iyo hey’adda Care international xafiiskeeda koonfurta Sudaan iyo somalia ayaa shalay ka dhacay magaalada Oslo ee waddanka norway.

 

Aqoon is weydaarsigan oo hal maalin socday ayaa waxaa talooyin iyo warbixino ku aadan xaalada Soomaalida qurbaha iyo kuwa gudaha ku suganba ka soo jeediyey Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ah agaasimaha xarunta Cilmi baarista Center for Recearch and Dialogue (CDR).Jabriil oo hadalkiisa sii watay ayaa ugu baaqay ururada bulshada rayidka Somaalida ee Oslo ka dhisan inay ku dadaalaan sidii ay u mideyn lahaayeen waxqabadkooda ku aaddan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ku nool.

 

wuxuu si faah faahsan uga warbixiyey xaaladda siyaasadeed, nabadgelyo. bulsho, dhaqaale iyo nololeed ee ay ku suganyihiin umadda soomaaliyeed, isagoo ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay dadka Oslo dagan ka weydiiyeen xaaladda ka jirta Soomaliya xilligan, iyadoo aad moodday inay dadku aad u daneeynayeen arrimaha siyaasadda gaar ahaan sida ay hadda wax u waddo dowladda kumeel gaarka ah ee Soomaliya inkastoo aysan meesha joogin cid ka socotay Dowladda oo dadkaan ka shaafin kartay su’aalaha ay qabaan.

 

Jabriil oo Deeyoo.com uu wax ka weydiiyey in xog uruurintani ay ku egtahay Somalida Norway dagan iyo inay jiraan dalal kale oo ay howshan ka fulinayaan ayaa sheegay inay maalinta jimcaha safar ku aadi doonaan waddanka Sweden halkaas oo ay kula kulmi doonaan Ururada bulshada Soomaalida ee halkaas ka jira, si ay u ururiyaan fikradahooda iyo talooyinkooda ku aaddan sida ay isugu xirmi karaan Bulshada rayidka soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda ka howlgala.

 

Waxay Jabriil iyo Maxa’ed Bashiir oo ah Sarkaal ka socda Hey’adda Care usii gudbi doonaan Magaalada Hague ee waddanka Holland halkaasoo ay sidoo kale kula hadli doonaan Bulshada rayidka kooxaha u dhaqdhaqaada ee halkaas ku dhaqan.

 

Waxaa sidoo kale ay xarunta cilmi baaristu qorsheyneysaa inay kulan balaaran ku qabato magaalada Rome ee dalka Talyaaniga bisha may ee sanadkan, kulankaasoo ay kasoo qeybgali doonaan Xubno ka socda ururada bulshada rayidka soomaaliyeed ee Gudaha iyo dibadda kala jooga ayna ka qeybgali doonaan madax ka socota Midowga Yurub gaar ahaan Luis Mecheal oo ururkaas ugu qeybsan arrimaha banii’aadannimada iyo gargaarka.

 

Waxaa kaloo kulankaasi ka hadlay Siyaasiga Cabdi Cali Xasan oo Wasiir ku xigeen ka soo noqday dowladii kumeelgaarka ahayd ee uu madaxda ka ahaa Dr. C/qaasim Salaad Xasan, wuxuuna ku dhiiri galiyey Somalida guud ahaan, gaar ahaan kuwa Norway inay iska ilaaliyaan qabyaalada iyo wixii dib u dhac u keeni kara ayna ku dadaalaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dadkooda ku dhibaateysan gudaha dalka.

 

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay xubno fara badan oo ka mid ah ururada bulshada Somalida Norway sida Ururka haweenka soomaaliyeed ee norway oo uu shirku xaruntooda ka dhacayay kaasoo ay u hadashay Marwo Ayaan Yaasiin oo sheegtay inay somaliya xilligan u baahantahay dadka aqoonyahanada ah iyo inta qabyaaladda ka caafimaadka qabta, maadaama waxa soomalida asaageed ka reebay ay ugu weyntahay qabyaaladdu.

 

Cabdulqaadir Cadaay oo u hadlay bulshada sportiga ayaa isna sheegay in sportigu yahay aalad loo isticmaali karo nabadda iyo is dhaxgalka bulshada mar hadii waxa dhibaatadu saameysay ay ugu horreeyaan dhalinyarada, isagoo tusaale uga dhigay in labadii sano ee ugu dambeysay ay xitaa Qaramada midoobay garowsatay in sportiga loo maro nabadda aduunka:

 

Ubax Muxudiin Xasan oo ah gabar yar ayaa muujisay sida ay ugu jahawareertay waxa loola jeedo qabiil iyadoo dadka waaweyn gaar ahaan waalidiinta ku eedeysay inay markasta waxaas ka hadlaan oo ay halkaas ku iloobeen hurumarinta qoysaskooda, iyadoo hadalka gabadhan yari uu aad u saameyey dadkii dhageysanayey oo aadna ugu sacabatumay.

 

Munaasabadan oo uu xiriiriiye ka ahaan Baashe Muuse oo ka tirsan madaxda ururada bulshada Soomaalida norway ayaa isaguna ku dheeraaday inay reer norway wax la qabsan karaan dowladda waddanka ay martida u yihiin haddii ay midoobaan oo ay cod mideysan la shirtagaan, wuxuuna bulshada rayidka ku guubaabiyey inay badiyaan kulamada iyo wada tashiga si hurumar la taaban karo ugu horseedaan umadda soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Dr.Maxamuud Masaga-waay oo isna hey’adaha kulankaan qabanqaabiyey siiyey talooyin muhiim ah isagoo si gaar ah uga codsaday Xarunta CRD-da inay shirka Rome ka dhici doona dadka ka qeybgalaya ku darto xubno ka tirsan Bulshada norway.

 

Waa kulankii labaad ee noociisa ah oo ka dhaca magaalada Oslo ee xarunta dalka norway iyadoo sanadkii hore kulankan oo kale lagu qabtay.




Maxamed Deeq C/llaahi Iyo

Qaasim Cabdulle Xuseen (Nero)

Oslo, Norway
deeyoo_admin@hotmail.com

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).