12.4 C
London
Friday, October 17, 2025

Muqdisho xalay xaalkeedu sidee buu ahaa?

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, Febraayo 17, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho ayaa mar kale xalay waxaa ka dhacay weerarro ay kooxo hubeysan ku qaadeen Isbitaalka Digfeer oo ay dhawaan soo degeen Ciidamo Itoobiyaan ah, hayeeshee markii uu weerarkaas dhacay kadib ayay iyaguna madaafiic ku jawaabeen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee la weeraray.

 

Madaafiicda ay ku jawaabeen Ciidamada Itoobiyaanka ayaa waxay ku dhaceen Xero ay degan yihiin Dad soo barakacay oo ku dhow Fagaaraha Tareebuunka, waxaana halkaas ku dhintay hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen 12 ruux oo kale.

 

Xasan Cabdulle Siyaad oo ka mid ah dadka ku nool xerada uu madfaca ku dhacay ayaa sheegay in sababta ay Ciidamada Itoobiyaanka ah ugu soo tuureen ay ahayd iyadoo ay kooxo hubeysan Madaafiic ka dhex tuureen Qabuuraha C/rashiid oo u dhow Xerada ay dadkaasi soo barakacay ku nool yihiin.

 

Weerarada inta badan u dhaxeeya Kooxaha Muqaawamada la baxay iyo Ciidamada Dowladda federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa inta badan waxaa ku waxyeelooba dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ay madaafiic habow ah guryahooda ugu tagaan.

 

Dhanka kalena, waxaa habeenkii xalay ahaa Bambo gacmeed lagu weeraray guriga Siyaasiga Dr. Maxamuud Maxamed Culusow oo Degmada Yaaqshiid ku yaala, hayeeshee weerarkaasi cidna waxba kuma noqon, marka laga reebo in uu bur bur soo gaaray guriga.

 

Cabdi Kaariye oo ka mid ah dadkii xiliga uu qaraxa dhacayay ku sugnaa gudaha guriga ayaa sheegay in ay dad ku tuhmayaan weerarka lagu soo qaaday, hayeeshee uusan hadda dooneynin in uu sheego, wuxuuse caddeeyay in ay tilmaami doonaan marka uu u soo dhamaado baaritaan ay wadaan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka ee Muqdisho ku sugan ayaa iyadoo la weerarayo waxay fariisimo cusub ka sii sameysanayaan Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho, waxayna maalintii shalay ahayd degeen Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga, iyo Kuliyaddii Jaalle Siyaad, iyadoo la sheegayo in ay sidoo kale qorsheynayaan in ay fariisin ka sameystaan garoonka Kubadda Cagta ee Mogadishu Stadium.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).