12.4 C
London
Friday, October 17, 2025

Ururka SWACRO oo Waxbarasho iyo daryeel u fidiyay Caruur Agoon ah oo Muqdisho ku sugan

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, February 16, 2007(HOL): Ururkani SWACRO  oo ah mid u gurmada Haweenka iyo Caruurta, isla markaana saldhigiisu yahay dalka Mareykanka balse xarumo ku leh Magaalooyinka waa weyn ee dalka Soomaaliya sida Muqdisho, Hargeysa, Boosaaso iyo Buulo Burte ayaa wuxuu maalintii shalay ahayd kafaala qaaday Daryeelka iyo Waxbarashada 50 Caruur ah oo dhamaantood agoon ah.

 

Dugsi ay wax ku baran doonaan kontonkan Caruurta ah ayaa laga furay Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo dhulka uu ku yaalo Dugsigana uu caruurta u hibeeyay Yacquub Cali Faarax oo ka mid ah dadka deegaankaas, isla markaana soo dhaweeyay dadaalka uu Ururkan ugu jiro in uu wax u qabto Caruurta Soomaaliyeed ee waalidiintoodi ay geeriyoodeen.

 

Dugsigan wuxuu leeyahay Macalin Caruurta bari doona Xifdinta Qur’aanka iyo Tarbiyada Diinta Islaamka, kaasi oo lagu magacaabo Suleymaan Xaaji Aadan iyo Dr.Mahad C/llaahi Nuur oo isna qaabilsan la socoshada caafimaadka Dhallaankan oo ah kuwo ku dandareysnaa xaafado ka mid ah Degmada Waaberi kadib markii ay waalidiintoodii geeriyoodeen.

 

Wakiilka Ururka SWACRO ee Magaalada Muqdisho Yaasmiin Mayow Maxamed oo furitaankii Dugsigan ka hadashay ayaa sheegtay in Ururkooda uu ku talo jiro in uu sii ballaariyo waxbarashada dhallaankan, iyadoo xustay in ay dhawaan u bilaabi doonaan waxbarashada maadooyinka kale.

 

Guddoomiyaha Ururkan Marwo Tirik Axmed oo ku sugan dalka Mareykanka, isla markaana xafladda Furitaanka Dugsigan Qadka Taleefoonka uga qeybqaadaneysay ayaa waxay sheegtay in Caruurtan ay sidoo kale u bilaabi doonaan quudin iyo daryeel kasta oo ay u baahan yihiin.

 

Marwo Tirik waxay walaac ka muujisay dhibaatooyinka maalmahan soo gaarayay Caruur iyo Hooyooyin guryahooda iska jooga, kuwaasi oo ay ku dul dhacayeen Madaafiic aan loo meel dayin oo ay isku ridayeen Kooxo la baxay Muqaawamada Shacabka oo ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka ee Muqdisho ku sugan, waxayna labada dhinacba ugu baaqday in ay shacabka dilka ka daayaan, si ay nabad iyo nolol u helaan.

 

Amiin Yuusuf Khasaaro, Yaasmiin Mayow Maxamed iyo Maryan Maxamed Siidow oo ka tirsan Xubnaha Ururka SWACRO (Somali Women and Children Rescue Organization) iyo  marti sharaf kale oo u badnaa dadka deegaanka ayaa xafladda ka qeybgalay, waxaana dadaalka uu ururkani ku howlan yahay si weyn u soo dhaweeyay dadka ku dhaqan Degmada Waaberi, gaar ahaan kuwo la deriska ah halka Dugsiga laga Furay.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu Ururkani gurmad u sameeyo dad dhibaateysan, wuxuuna horay raashin iyo dhar ugu qeybiyay dad soo barakacay oo Muqdisho ku sugan, iyadoo sidoo kalena uu haatan dawooyinka looga hortago Shubanka uu gaarsiiyay Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu dad badan ku soo ritay Cudurka Shubanka, waxaana qeybinta dawooyinkaas u xil saaran wakiillo uu Ururka ku leeyahay Magaalada Buulo Burte.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).