12.4 C
London
Friday, October 17, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo difaacday Madaafiicda ay Ciidamadeedu ku jawaabaan marka la soo weeraro

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, February 16, 2007(HOL):  Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) ayaa difaacay madaafiicda ay Ciidamada Dowladda Federaalka isku difaacayaan marka la soo weeraro.

 

“Ciidamadu xaq ayay u leeyihiin in ay is-difaacaan oo ay kooxihii soo weeraray madaafiic ugu jawaabaan, balse Dowladda marnaba ma ogola in madaafiic lagu garaaco dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan”ayuu yiri Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere.

 

Wasiirka waxaa uu sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay la dagaalamaan kooxaha dhexdooda madaafiicda ka tuuraya, si ay uga badbaadaan waxyeello ka soo gaarta madaafiicda loogu jawaabayo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay Dowladda baacsaneyso oo ay ku daba jirto kooxaha weerarada ku soo qaada.

 

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalmihii tegay ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ay madaafiic ku garaaceen xaafado ku yaala Muqdisho oo qaarkood madaafiic looga tuuray, iyadoo taasina ay dadka Muqdisho si weyn uga walaacsan yihiin.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaar ka mid ah Xaafadaha Muqdisho ayaa waxay sameysteen Ciidamo Xaafadeedyo ka hortaga kooxaha hubeysan ee Madaafiicda ka dhex rida, si ay uga badbaadaan in ay dhinaca Dowladda uga yimaadaan Madaafiic kale oo loogu jawaabayo kuwii dhexdooda laga tuuray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).