12.4 C
London
Friday, October 17, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo soo saaray wareegto lagu mamnuucayo dhoofinta dhuxusha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, February 16, 2007(HOL):  Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa wareegto uu ka soo saaray Xafiiskiisa Magaalada Baydhabo wuxuu ku mamnuucay dhoofinta dhuxusha iyo jarista dhirta.

 

Madaxweynaha ayaa wareegtadan soo saaray sida ku xusan isla wareegtada kadib markii uu eegay Axdiga dalka u yaala, isla markaana uu soo gaaray codsi ay u soo jeediyeen Waxgarad iyo mas’uuliyiin ku nool gobollada Dalka Soomaaliya qaarkood, kuwaasi oo si weyn uga walaacsanaa xaalufinta lagu hayo dalka Soomaaliya iyo nabaad-guurka ku imaan kara xaalufinta kadib.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa wareegtada uu soo saaray wuxuu ku sheegay in aan la dhoofin karin wax dhuxul ah, isla markaana aan dhirta la jari karin, wuxuuna fulinta amarka uu soo saaray uu furay Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradaha Amniga Qaranka iyo sidoo kale Mas’uuliyiinta Gobollada Dalka iyo weliba Ciidamadda Dowladda Federaalka.

 

Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay deegaano ka tirsan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay ee ay jireen waxay isku dayeen in ay mamnuucaan dhoofinta dhuxusha, wuxuuna waqtiga ka dhamaaday iyadoo ay socoto dhoofinta dhuxusha kadib markii ay ganacsatada dhoofisa dhuxusha ay ka codsadeen maamulkii Maxkamadaha in ay muddo labo bilood ah siiyaan si ay u dhoofsadaan dhuxul u diyaarsaneyd oo ay horay u soo sameysteen.

 

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Marxuum Maxamed Siyaad Barre waxaa ku soo kordhayay dalka ganacsi mamnuuc ahaa xiligii ay dowladdaas jirtay, waxaana ka mid ahaa dhoofinta dhuxusha, Ugaarta iyo weliba Xoolaha Dhedig, waxaana intaba laga dhoofin jiray Dekedo macmal ah oo ku yaala gobollada Dalka, haba ugu badnaadeen kuwo Muqdisho duleedkeeda ku yaala.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).