Khamiis, Febraayo 15, 2007(HOL): Iyadoo xalay iyo habeen hore ay xaaladda magaalada Muqdisho ahayd mid degan ayaa hadana waxaa maanta ku dhacay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho Madaafiic ay qaarkood rideen kooxo ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka, halka ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ay iyana madaafiic kale ku jawaabeen.
Maanta Duhurnimadii ayaa kooxo hubeysan waxay madaafiic ku weerareen Dekedda weyn ee Muqdisho, waxayna madaafiicdaas geysteen dhaawacyo soo gaaray caruur ku dabaalaneysay xeebta u dhow Dekedda Muqdisho. Markii ay Qadar daqiiqado ah ka soo wareegatay weerarkii lagu qaaday Dekedda ayaa waxaa xaafadadaha Taleex, Al-Baraka, NBC iyo Black Sea ee degmada Hodan ku dhacay Madaafiic ka yimid dhinaca Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah.
Wax dhimasho ah nagama soo gaarin xaafadahaas, waxaase jira dad ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo markii ay dhaawacmayeen socday meelo u dhow halka ay madaafiicda ku soo dhaceen oo isugu jiray guryo aaney dad ku nooleyn iyo geedo.
Madaafiicda maanta ku dhacday xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo labadii habeen oo ugu dambeysay ay xaaladda Magaalada Muqdisho ahayd mid degan, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo ay Xaafadaha Muqdisho badankood ay sameysteen ciidamo madani ah oo ka hortaga kooxaha weerarada ku qaada fariisimada Dowladda.
Sidoo kalena, Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa iyaguna waxay bilaabeen in ay fariisimo ka sameystaan Isgoysyada muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, waxayna marka habeenkii la gaaro ay bilaabaan in ay gaadiidka baaraan, iyagoo darawaliinta gaadiidkaas ku wargeliya in ay dhaqdhaqaaqa joojiyaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Kooxaha Muqaawamada ah ee ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiyaanka ah iyo kuwa Dowladda Federaalka ayaa waxay weeraradooda ku bartilmaameedsadaan Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Xarunta Villa Somalia iyo Hotellada ay ku tuhmayaan in ay degan yihiin mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia