Khamiis, February 15, 2007(HOL): Magaalada Muqdisho xalay iyo habeen hore xaalkeedu waa deganaa wax rasaas iyo madaafiic ahna dadku ma aysan maqlin, waxayna taasi ku suurtagshay kadib markii ay xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir badankood ay yeesheen ciidamo xaafadeedyo la dagaalamaya kooxaha wax qarxiya.
Sidoo kalena waxay ku hakadeen weeraradii madaaafiicda loo adeegsan jiray ee habeen iyo maalin kasta ka dhici jiray Magaalada Muqdisho iyadoo ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ay bilaabeen howlgallo ay ammaanka ku sugayaan, iyagoo weliba degay Isgoysyo muhiim u ah isu socodka magaalada Muqdisho.
Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxay qaateen go’aanka ay Ciidamo Xaafadeedka ku sameysteen kadib markii ay kooxo ku kacsan Ciidamada Itoobiyaanka iyo Dowladda Federaalka ay xaafadahooda madaafiic ka dhex tuureen, kadibna ay dhinaca Dowladda uga soo dhacday Madaaafiic waa weyn oo ay qaarkood wax ku noqdeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Dhanka kalena waxaa socda dadaal lagu sugayo Nabadgelyada Magaalada Muqdisho, kaasi oo uu wado Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana shir ay yeesheen Mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir iyo kuwa Degmooyinka Gobolka looga dooday sidii ay Degmo kasta u abaabuli lahayd Ciidamo xaafadeedyo caawiya Ciidamada Dowladda Federaalka, si looga hortago kooxaha ka soo horjeeda Nabadgelyada.
Ku xigeenka Duqa Magaalada Muqdisho ee dhinaca Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadgelyada Ibraahim Cumar Sabriye Shaawey oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii shirkaas ka qeybgalay ayaa sheegay in aaney dowladda Federaalka u dulqaadan doonin kooxaha Shacabka Madaafiicda ka dhex tuura, wuxuuna caddeeyay in maalmaha soo socda ay wax weyn iska bedeli doonto xaaladda nabadgelyo ee magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online